Gabar loo magacaabay xilka ugu sarreeya garsoorka Pakistan

Tahira Safdar waa gabadhii ugu horraysay ee xaakimka ugu sarreeya ka noqota Pakistan Lahaanshaha sawirka Youtube
Image caption Tahira Safdar waa gabadhii ugu horraysay ee xaakimka ugu sarreeya ka noqota Pakistan

Dadka u ololeeya arrimaha cadaaladda ee Pakistan ayaa soo dhaweeyay in loo magacaabo Tahira Safdar waa gabadhii ugu horraysay ee xaakimka ugu sarreeya ka noqota Pakistanhaweeneydi ugu horreysay abid ee noqota madaxa cadaaladda ee maxkamadda sare ee dalkaasi.

Pakistan ayaa rag dhowr ah waxa ay ka hayaan xilalka sare sare hanaanka garsoorka, balse haween fara-kutiris ah ayaa haya xilal sarsare.

Kooxaha ka shaqeeya arrimaha bulshada waxay rajeynayaan in u magacaabida Safdar ee maxkamadda sare ay noqonayso talaabadii ugu horreysay ee wax looga qabanayo farqiga jinnsiga ee ka dhex jira hanaanka cadaalda.

Safdar ayaa sidoo kale waxa ay soo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee xaakim ka noqota maxkamadda sare, waxaana dhalay garsoore si weyn looga yaqaano magaalada Queta ee Pakistan.

Ka shaqeynta Hanaanka cadaaladda ee gobolka Balochistan ayey inta badan nolosheeda ku soo qaadatay.

Waxa ay madax ka soo noqotay dhowr kiis oo culculus oo uu ku jiray kiiskii qiyaanada qaran ee ka dhanka ahaa hogaamiyihii hore ee milatariga, Perves Musharaf.

Xilka Madaxa cadaaladda ayaa Safdar waxa ay la wareegi doonta bisha Oktoobar ee sanadka soo socda.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Pakistan ay u baahan tahay haween badan oo soo gala hanaanka garsoorka si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka soo gaara dumarka, sida jirdilka, dilalka iyo weerarrada aashitada.

Pakistan ayaa ah dalka keliya ee koonfurta Aasiya ee abid aysan haweeney madax ka noqonin maxkamadda sare.

Mowduucyada la xiriira