Dalka Chad oo gabdhaha yaryar tacaddiyo jinsi looga geysto

Balliga Chad Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Balliga Chad

Warbixinta cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheeay dagaallada ka taagan deegaannada ku gadaaman balliga Chad iney sababeen dhibaatooyin bani aadaminimo.

Koox u doodda xuquuda carruurta oo la yirahdo Plan international ayaa waxay sheegtay qalalaasyaha ka taagan bartamaha dalkaasi Chad ay saameysay noolasha gabdho badan oo halkaasi ku nool.

Kooxda ayaa waxay magaalada Barlin ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan dhibaatooyinka gabdhaha haysta xajmigeeda inta ay le'egtahay.

Kooxda ayaa waxay daraasad ku sameeysay 449 gabdhood oo ay da'dooda u dhaxeyso 10 ilaa 19 jir, daraasadda oo socotay inta u dhaxeysay March ilaa iyo April.

Waxayna sheegeen dadka ay daraasadda ka qayb galiyeen iney yihiin dadka waxyeellada u nugul ee ay sababa jinsiga iyo da'dooda la xidhiidho dhibaato u soo gaadho.

Afar meelood meel ka mid ah dadka daraasadda lagu sameeeyey ayaa waxay intooda badan ay waxyeellada soo gaartay bishi hore.

Boqolki 8, dadkasi ayaa waxaa loo geystay xad gudub dhinaca jinsiga ah.

Dadka kufsiga iyo wtacaddiyada dhinaca jinsiga ah loo geystay ayaa waxay sheegeen iney bulshadu ay nool yihiin ay ku qasbaan iney qasab ku guursadaan dadki dhibka u geystay.

Dad ka badan 2 milyan oo qof oo gudaha dalka ka soo baakacay ayaa ku sugan deegaannada ku dhaw balliga Chad.

Ururrada arrimaha bani aadaminimada ka shaqeeya ayaa waxay dadka u baahan gargaarka degdegga ah ay ku qayaaseen 10 milyan oo qof.

Kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ujeeddadiisu tahay dadka gargaarka u baahan in mucaawino looga soo uruuriyo ayaa toddobaadkan lagu qabtay magaalada Barlin.

Iyada oo kulankaasina lagu soo bandhigay qorshayaal fog oo horumar waara lagu gaarsiin karo dadkaasi.

Dhaqaalaha masiibadan wax lagaga qaban karo ayaa waxay Qaramada midoobay ku qayaastay in ka badan 1 bilyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.

Mowduucyada la xiriira