Midowga Yurub oo ka soo horjeesatay qorshaha Theresa ee ka bixitaanka Yurub

Dhexdhexaadiyaha midowga Yurub Michel Barnier Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhexdhexaadiyaha midowga Yurub Michel Barnier

Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier ayaa si weyn uga soo horjeestay mowqifka Ra'isal wasaare Theresa May ay iska taagtay arrintan.

Ra'isal wasaare Theresa ayaa waxay sheegtay iney waxba iska beddeleyn mowqifkeeda ku aaddan ka bixitaanka Britain ee Europe.

Barnier ayaa wuxuu sheegay iney lagama maarmaan tahay iney dib ugu laabato qorshaheeda iyada oo aan eegeyn rabitaanka Yurub.

Mr Barnier oo BBC-da u warramay ayaa wuxuu sheegay wadahadallada Britain iyo Midowga Yurub u dhaxeeyo uu sii soconayo ilaa iyo bartamaha bisha November.

Raisalwasaare Theresa May ayaa waxay sheegtay iney Britain iyo Midowga Yurub ay iisu diyaariyaan wadahadallada xiga ee ay yeelanayaan iney muujiyaan isku soo dhawaasho.

Image caption Raisal wasaaraha Britain Theresa May

Xoghayaha arrimaha dibadda Jeremy Hunt ayaa waxuu ka digay heshiis la'aanta ka bixitaanka midowga Yurub ee Britain ay yurub ku tahay khalad aad u weyn.

Hay'adda ganacsiga Adduunka (WTO) ayaa waxay ku baaqday iney soo afjaraan heshiiskooda si ganacsiga labada dhinac uu u sii socda.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan