Saxafiyiin Reuters u shaqaynayay oo Myanmar lagu xukumay

Kyaw Soe Oo (bidix) iyo Wa Lone ayaa sheegay in ay booliisku shirqooleen Lahaanshaha sawirka AFP/REUTERS
Image caption Kyaw Soe Oo (bidix) iyo Wa Lone ayaa sheegay in ay booliisku shirqooleen

Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ayaa labo saxafi oo u shaqaynayay wakaaladda wararka ee Reuters ku xukuntay toddobo sano oo xabsi ah, iyaga oo loo haysto in ay meel uga dheceen sirta xukuumadda intii ay baaritaanka ku hayeen rabshadihii ka dhanka ahaa qawniyadd Rohingya ee Muslimiinta ah oo laga tiro badan yahay.

Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo ayaa la xiray sannadkii hore iyaga oo wata dhokumantiyo rasmi ah oo ay booliis ka heleen.

Labadan saxafi ayaa xirnaa tan iyo bishii Disembar.

Dacwaddan ayaa si wayn loogu arkaa in ay tijaabo u tahay xoriyadda saxaafadda ee dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma.

Mowduucyada la xiriira