Daraasad laga sameeyay khasaarihii ka dhashay dabaylihii bartamihii sanadkan ku dhuftay Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daraasad laga sameeyay khasaarihii ka dhashay dabaylihii bartamihii sanadkan ku dhuftay Somaliland

Hay'adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga iyo kaydka raashinka ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday daraasad ay ka sameysay khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee ay geysteen dabaylihii roobabka watay ee ku dhuftay xeebaha Somaliland badhtamihii bishii May ee sanadkan.

Gudoomiyaha hay'adaasi Faysal Cali Sheekh ayaa magaalada Hargeysa ku faah-faahiyay khasaarahaasi baaxada uu leeyahay iyo sidii dadweynaha uu saameeyay wax loogu qaban lahaa.

Faysal wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.