Ma la joogaa xiligii dowladaha Afrika ay ka fiirsan lahaayeen deymaha Shiinaha?

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maalgashiga Shiinah ee Afrika

Dalalka Afrika oo u muuqda inay niyad sami u hayaan deymaha faraha badan ee uu Shiinaha siiyo qaaradda ayaa khubarada qaar waxaa ay walaac ka muujiyeen deymahaasi dalalka Afrikanka ay ka daldasheen Shiinaha.

Mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Afrika waxaa kamid ah wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Entebbe iyo Kampala ee dalka Uganda oo muujineysa saameynta Shiinaha uu ku leeyahay Afrika, gaar ahaan geeska Afrika, waxaana mashruucan la daah-furay saddex bilood kahor.

Wadadan laamiga ah oo dhan 51 kilomitir ayaa waxaa dhisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana lagu dhisay lacag dhan 476 milyan oo doolar oo ah lacago laga soo deensaday Shiinaha.

Dhismaha wadadan ayaa yareesay saxmadda waddooyinka ee dalkaasi oo saacado badan qaadan jirtay. Dowladda Uganda ayaa lacag dhan saddex bilyan oo doolar kasoo amaahatay dalka Shiinaha, taasi oo qeyb ka ah rabitaan aan lala tartami Karin oo uu Shiinaha dhaqaale ku siinayo qaaradda Afrika.

Maxay isku fahmeen Soomaaliya iyo Shiinaha?

Shiinaha oo canshuurta ka dhimaya haragga dameeraha

Mid kamid ah barayaasha kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Makerere ee dalka Uganda ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha deymaha ee laga soo qaato Shiinaha ay sidoo kale waxtar ganacsi u leeyihiin shirkadaha Shiinaha laga leeyahay, gaar ahaan kuwa dhismayaasha oo Afrika ka dhigay xarun ay dhismayaal ka socdaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maalgashiga Shiinah ee Afrika

Deymaha dowladda Shiinaha ay siiso qaaradda Afrika ayaa imaanaya xili qaar badan oo kamid ah dalalkan ay la daalaa-dhacayaan deymo farabadan, kadib markii ay ka sara mareen qiyaasta deymaha.

Dalalka deymaha xad-dhaafka ah lagu leeyahay waxa kamid ah Chad, Eritrea, Mozambique, Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo, South Sudan iyo Zimbabwe, halka dalalka Zambia iyo Itoobiya na ay ka hooseyaan heerka khatarta ee deymaha.

Shiinaha waxaa uu imika yahay dalka ugu weyn ee Afrika la leh xiriir dhaqaale, taasi oo ka badan xiririka dhaqaale ee qaaradda kala dhaxeeya midowga Yurub, bangiga maalgashiga ee Yurub, bangiga adduunka iyo bangiga International Finance Corporation.

Hay'adda lacagta adduunka ee IMF waxaa ay sheegtay in boqolkiiba 40 kamid ah dalalka gobolka ee dhaqaalahoodu hooseeyo ay la dalaa dhacayaan deymo farabadan.

'Guusha Shiinaha' ee Afrika.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Lacagta Shiinaha uu geliyay Afrika waa mid muuqato, marka la eego garoomada, wadooyinka iyo dhismayaasha dhaadheer oo qaaradda ka abuuray fursado shaqo.

Michael Kottoh oo ah khabiir ka faalooda dhaqalaah qaaradda Afrika ayaa waxaa uu sheegayaa in dalalka Afrika ayaa horumar wanaagsan ka sameeyeen xaga ganacsiga, maalgashiga iyo sidii iskaashi dhaqaale ay ula sameyn lahaayeen dalka Shiinaha oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka.

''waxaa muuqata dareen ah in Shiinaha uu yahay midka guul ka gaaray Afrika, sababtu na waxaa ay tahay Shiinaha ayaa ku gacan sareeya wadaxaajoodyada intooda badan'' waxaa sidaasi yiri Michael Kottoh.

Shirkadda McKinseyoo ah mid qiimeysa maalgashiaga ayaa sheegtay in dhaqaalaha shirkadaha Shiinaha kasoo gala Afrika ay sannadka 2025-ka gaari doonto 440 bilyan oo doolar. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ka hadlayay shirka maanta madaxda Afrika uga furmay Shiinaha ayaa waxaa uu difaacay maalgashiga Shiinah uu ka wado Afrika, taasi oo uu sheegay in looga golleeyahay in lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Fikirka reer galbeedka ee ku aadan iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Dalka Shiinaha ayaa sida Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka aanan laheyn xeerka ciqaabta ee shirkadaha sida qaldan wax ku raadiya si ay ugu guuleystaan qanadarasyada, waxaana taasi ay u sahshay shirkadaha laga leeyahay dalka Shiinaha inay si wanaagsan ula macaamilaan dalalka bixiya qandarasyada oo mararka qaar na la sheega ba inay laaluush ku bixiyaan.

Inkastoo dhaqaaleyahanka ku guuleystay biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel, Joseph Stiglitz uu aad u dhaliilo fikirka dalalka reer galbeedka ay ka heystaan shaqooyinka Shiinaha uu ka wado Afrika, hadana waxaa uu walaac ka muujiyay musuqmaasuq hareeyay qaaradda.

Mr Joseph Stiglitz ayaa waxaa kale oo uu sheegay in mashaariic walba oo ka yimaada reer galbeedka ama Shiinaha loo baahanyahay in la qiimeeyo oo la ogaado nacfiga iyo waxtarka uu u leeyahay dal walba.

Mr Ramathan Ggoobi oo isna ah dhaqaaleyahan kale oo kunool dalka Uganada waxaa uu sheegayaa in uu jiro walaac aad u weyn oo maalgashatada Shiinaha ay ku keenen deegaanka, gaar ahaan dhibaatooyin uu sheegay inay sabab u yihiin hay'adaha lo igmaday inay la socdaan dhismayaasha qaaradda Afrika.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maalgashiga Shiinah ee Afrika

Sannadkii 2015-ka, machadka daraasadda ee Shiinaha iyo Afrika waxaa uu digniin kasoo saaray deymaha faraha badan ee uu Shiinaha siiyo Afrika, taasi oo ay shegeen in dalalka Afrikanka ah laga ba yaabo inay iska bixin wayaan sababo la xiriira isbedelada ku yimaada badeecadaha ay iibiyaan.

Dalka Shiinaha ayaa sidookale Afrika kuleh deynta ugu badan, inkastoo dalalka qaaradda Afrika ay meelo kale kasoo deynsadaan lacago kale.

Markii dhawaan Shiinaha iyo dalalka Afrika ay ku kulmeen magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, Shiinuhu waxaa uu ballan qaaday lacag dhan 35 bilyan oo doolar oo qaab deyn ah loogu gargaarayo Afrika, balse sida uu qabo bangiga Standard Bank, waxaan wali isbedelin isu dheeli tirnaanta ganacsi ee u dhaxeeya Afrika iyo Shiinaha.

Mr Ggoobi oo u muuqda inuu la dhacsanyahay saameynta Shiinaha ee Afrika ayaa waxaa uu doonayaa in Shiinaha uu Afrika ka caawiyo sidii loo dhisi lahaa hay'adaha dowliga, si loo kordhiyo wax soo saarka Afrika iyo maalgashiga.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii wajiga hore ee aagga ganacsiga xorta ah ee uu maalgelinmayo Shiinaha laga furay dalka jabuuti. Furitaanka mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay hogaamiyeyaasha gobolka.

Aagga ganacsiga xorta ah ayaa la filayaa inay soo marto badeecad qiimaheeda lagu qiyaasayo 7 bilyan oo Doollar, muddo laba sano gudaheed ah, uuna abuuro ilaa 15,000 oo shaqo, marka la dhamaystiro.

Mowduucyada la xiriira