Donald Trump iyo soo xulidda Brett Kavanaugh

Brett Kavanaugh oo loo soo xulay maxmakmdda sare ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Brett Kavanaugh oo loo soo xulay maxmakmdda sare ee Mareykanka

Madaxweyne Trump ayaa maanta guddiga arrimaha sharciga ee aqalka sanetka soo hordhigay xubinki buuxin lahaa booska bannaan ee maxkamadda sare ee Mareykanka.

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa ka soo horjeestay ansixinta magacabida xubin uu Trump u soo xulay inuu noqdo guddoomiyaha maxakamadda sare.

Xubnahan iney ka hor yimaaddaan magacbiddaasi ayaa waxaa sababtay dokumanti ka kooban 100,000 oo bog oo xilliga Brett Kavanaugh's uu la taliye ka ahaa aqalka cad la soo diyaariyey oo aan la shaacinin.

Magacaabid kasta oo la xidhiidha maxkamadda sare ayaa waxay tahay mid si weyn isha looga hayo balse tani weyba ka sii xagjirtaa magacaabisti horay u dhici jirtay.

Ansixinta magacabista Kavanaugh's ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid keeni karto iney maxkamadda dhexdhexaadnimdeeda ay u wareegto dhinaca midigta.

Arrimaha laga cabsi qabo haddii ay maxkamaddu dhankaa u janjeertana waxaa ka mid ah iney maxkamaddu meel mariso go'aanka sida weyn looga muransan yahay ee ku saabsan xuquuqda ilma iska soo xaaqidda.

Xubnha xisbiga jamhuuriga ee guddiga ku jira ayaa waxay sheegeen Mr. Kavanaugh inuu yahay shaqsi uu madaxweynaha xilka haya uu u soo xushay inuu u adeegsado meel marinta arrimaha sharciga kaga xiran.

Gaar ahaanna maxkamadda sare arrinta ugu dambeysay ee ay gacanta ku haysay oo ah eedda loo soo jeediyey Madaxweyne Donald Trump ee la xidhiidha doorashadi 2016-kii Mareykanka ka dhacday, xidhiidhka ka dhaxeeyey ololaha Trump iyo Ruushka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Donald Trump iyo Brett Kavanaugh

Mr Kavanaugh ayaa waxaa su'aalo la weydiinayey seddex maalmood oo xidhiidh ah ka hor inta aan loo codeyn xisbiga jamhuuriga ayaa aqlabiyad aad u yar go'aankaasi ku meel marsaday.

Magacaabista Brett Kavanaough haddii la meel mariyo wuxuu beddeli doonaa Anthony Kennedy isaga oo ka mid noqonayo sagaalka xubnood oo maxkamadda sare sanadihi ugu dambeeyey loo soo xulay oo magacaabiddooda xisbiyadu ay isku mari waayeen.