Qarax ka dhashay warshad gubatay oo ay ku dhinteen 8 qof

Qariidad muujineyso Cape town jihada ay Koonfur Afrika kaga taallo
Shaqaalaha dabdamiska ayaa ku gudajira baadigoobka dad lagu tuhunsan yahay iney gudaha warashadda gubatay ku jireen xilliga uu qaraxa ka dhacayey, warshadda gubatay oo ku taalla duleedka magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.
Afhayeen u hadlay shaqaalaha dabdamiska ayaa wuxuu sheegay inuu warshaddu dabka qabsaday galabnimda maanta.
Dabka warshaddasi qabsaday oo ay qaraxyo waaweyn ka dhasheen lama garan waxa dabkaasi uu ka dhashay.
Xigashada Sawirka, Twitter/Tony Da Silva/via REUTERS
Waxa sababay dabka warshadda qabsaday lama garan
Warshadda gubatay ee Rheinmetall-Denel waxaa mulki ahaan u lahaa shirkado Koonfur Afrika iyo Jarmalka laga kala leeyahay.
Warshadda oo ah mid soo saarto hubka, bambooyinka iyo waxyaaba kale ee qarxa waxsoosaarkeeda ugu badan waxaa isticmaala Ciidamada iyo Booliska dalkaasi Koonfur Afrika qaarna dibadha ay u dhoofin jirtay.
Daawo nolosha Soomaalid Koonfur Afrika