Maxay qaaradda Afrika uga dhigan tahay dhaqaalaha balaayiinta doolar ah ee uu Shiinuhu ku maalgalinayo?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay qaaradda Afrika uga dhigan tahay dhaqaalaha balaayiinta doolar ah ee uu Shiinuhu ku maalgalinayo?

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta lagu soo gebagabaynayaa shirkii shalay halkaas uga furmay madaxda Afrika iyo midka Shiinaha.

Shalay ayey aheyd markii furitaanka shirka uu madaxweynaha Shiinaha kaga dhawaaqay dhaqaale dhan 60 bilyan oo doolar oo uu Afrika ku maalgalinayo.

Haddaba Afrika sidey isaga bixin doontaa dhaqaalahan badan ee daynta ah? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaa waxaannu waydiiyay Prof Xuseen Axmed Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadda Calgary, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.

Prof-ka waxa uu marka hore ka jawaabayaa waxa maalgelintan cusub ee Shiinaha ay Afrika uga dhigan tahay?