Qurba joogii ugu badnaa oo sanadkan tegay Somaliland
Qurba joogii ugu badnaa oo sanadkan tegay Somaliland
Xilligan xagaaga ee qurbajooga Soomaaliyeed u soo fasax tageen dalkooda hooyo ayaa wakaalada qurba jooga ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somliland waxa ay sheegtay in gurba joogii ugu badnaa oo gaadhaya laba iyo soddon kun oo qof ay sanadkan 2018 ay yimaadeen deeganada Somaliland.
Waxay kaloo wakaalada qurba-joogu faah-faahin ka bixisay shirar iyo kulammo ay u abaabushay dad qurbaha ka yimid sanado hore oo maalgashaday dalka iyo qurbajooga fasaxyada ku yimid Hargeysa sanadkan.
Haddaba waxaannu umuurtaasi ka wareysannay gudoomiyaha wakaalada qurba-jooga Somaliland, Cabdi Cabdillaahi Dayax-weerar, oo u warramaya weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.