Muxuu dhigayaa xeerka kalluumaysiga biyaha ee Somaliland?

Gudida deegaanka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee barlamaanka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay qodobada ugu muhiimsan markii ugu horeysay xeerka kalluumeysiga biyaha oo maalmo ka hor baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Gudoomiyaha gudidaasi, Xildhibaan Siciid Xaaji Warsame ayaa wuxuu u warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.