Maxaa loo fasiran karaa shirka Iskaashiga Maamul Goboleedyada Soomaaliya?

Maxaa loo fasiran karaa shirka Iskaashiga Maamul Goboleedyada Soomaaliya?

Waxaa maalintii labaad galay shirka Iskaashiga Maamul Goboleedyada ee Soomaaliya.

Furitaanka shirka ayey madaxda maamul goboleedyada shalay ka soo jeediyeen eedo ay hawada u mariyeen madaxda dowladda Federaalka ah.

Dowladda Federaalkuna arrintaasi weli wax war ah kama aanay soo saarin.

Haddaba si aan u falanqeyno tan iyo shalay halkii ay dooddu joogtay iyo waxa loo fasirankaraba ayaa waxaannu studio-yaheennan Nairobi ku casuunnay Dr Ibrahim Faarax Bursaliid, oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay eedaymaha faraha badan ee ay madaxda maamul goboleedyada u jeedinayaan dowladda dhexe maxaa ka gar ah?