Gabadh ay eeddadeed dalbatay in kufsi iyo dil loo gaysto dal Hindiya

Mudaharaad looga soo horjeedo kufsiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mudaharaad looga soo horjeedo kufsiga

Booliska ayaa xiray lix qof oo lala xiriiriyey fal kufsi iyo dil ah oo ay u gaysteen gabadh sagaal sano jir ah, oo ku noolayd magaalada Kashmir qeybta ay ka maamusho Hindiya.

Saraakisha ayaa sheegtay in aayada ama eeddada gabadhan ay wiilkeeda oo 14 sano jir ah, iyo saddex kale ka dalbatay inay horteeda ku kufsadaan.

Waxa ay sheegeen in maydka gabadha Axaddii laga helay meel qashin qub ah oo ku taala magaalada Baramulla. Waxa ayna sidoo kale ku dareen in gabadha la jir dilay laguna gubay aashito.

Haweenayda ayaa la sheegay inay gabadha aad ugu caraysnayd, iyadoo ay sheegtay in aabaheed uu ilmahiisa ugu jeclaa.

Booliska ayaa BBC Urdu u sheegay inay gabadha maqnayd muddo 10 maalmood ah ka hor inta aanan la helin maydka.

" Waxaa la ogaaday in haweenaydan ay colaad kala dhexaysay xaaskii labaad ee seygeeda," wargeyska NDTV ayaa hadalkaan ka soo xigtay sarkaal sare oo lagu magacaabo Mir Imtiyaz Hussain.

Lahaanshaha sawirka AFP

Mr Hussain ayaa sheegay in gabadha lagu dilay masaar kaddib markii la kufsaday.

Waa falkii labaad oo kufsi iyo dil noocaan oo laga soo sheego magaalada Kashmir bilihii dambe.

Dambiyada ka dhanka ah dumarka ayaa ku soo badanaya dalka Hindiya tan iyo sannadkii 2012-dii.

Mudaharaadyo looga soo hor jeedp falalkan ayaa socday maalmo, iyadoo ay dowladda ka dalbanayaan inay soo saarto sharci adag oo looga hortagaayo falalka noocan ah sida xukun dil ah.

Hase yeeshe, weerarrada loo gaysanayo dumarka iyo carruurta ayaa laga soo sheegayaa guud ahaan dalkaas.

Mowduucyada la xiriira