Labo nin oo looga shakiyay sumeyntii Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia

Sawirada Elexander Petrov iyo Ruslan boshirov
Labo nin oo u dhashay Ruushka ayaa warbaahinta lagu baahiyay sawiradooda iyo magacyadooda, waxaana looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan iskudaygii dil ee lagu sumeeyay basaaskii hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa.
Waxaa la sheegayaa inay jiraan "cadeymo ku filan" oo lagu eedeyn karo in labada nin oo lagu kala magacaabo Elexander Petrov iyo Ruslan boshirov ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay magaalada Salisburry.
Waxaa loo maleynayaa inay raggani isticmaalayeen magacyo labaad da'dooduna ay ahayd 40 sano.
Xigashada Sawirka, .
Yulia iyo aabeheed Sergei Skripal
Mr Skripal oo 66 sanno jir ah iyo gabadhiisa oo 33 sanno jir ahayd ayaa lagu sumeeyay bishii Maarso suntan waxyeeleysa neerfaha.
Hay'adda dacwadaha ee UK ayaanan ka codsan karin xukuumadda Ruushka inay dib ugu soo celiso dalkeeda ragaan loo heysto eedeymahan, maadama Ruushka uusan kala dhexeynin dalka UK heshiis dib la isugu celinayo ragga dambiyada ka galo labada dal.
Xigashada Sawirka, MET Police
Booliiska ayaa sii daayay muuqalada CCTV oo muujinaya labada nin oo ku sugan garoonka Gatwick
Balse warqad xarig ah oo lagu soo xirayo ayaa loo jaray raggaan haddii ay soo gaaraan dalalka Yurub.
Xukuumadda Ruushka oo ka jawaabeysay eedyemaha loo soo jeediyay raggan ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku waxa ay sheegtay in magacyada iyo sawirada la baahiyay ee raggan "aysan waxba ka khuseynin".
Booliiska UK ayaase haatan la xiriirinaya weerarkii lagu sumeeyay Sergei Skripal iyo gabadhiisa weerar kale oo dhacay 30 bishii June, kaddib markii ay Dawn Sturgess iyo Charlie Rowley ay ku xanuunsadeen guri ku yaallo Amesbury oo qiyaastii 8 mile u jira magaalada Salisbury.
Ms Sturgess ayaa ku geeriyooday isbitaalkii la dhigay 9 bishii Julay. Halka Mr Rowley laga soo saaray 20 bishii July.
Sue Hemming oo ah agaasimaha hay'adda dacwadaha ee CPs ee UK ayaa sheegay inay jiraan cadeymo ku filan dacwada loo heysto ragga ka dambeeyay iskudayga dil ee lala damacsanaa Skripal iyo gabadhiisa.
Xigashada Sawirka, Reuters
Sawir laga qaaday Yulia bsihii May kaddib markii isbitaalka laga soo saaray
Weerarka sunta ah ee labadan qof lagu qaaday ayaa dagaal dublamaasiyadeed oo weyn ka dhex dhaliyay dowladaha reer galbeedka iyo dowladda Ruushka, iyada oo la kala rartay dublamaasiyiin badan.
Dowladda UK ayaa Ruushkaa ku eedeysay weerarka, balse Ruushka waa ay beeniyeen arrintaas.