Khabiirka xuquuqda aadanaha ee QM oo warbixin ka soo saaray Soomaaliya

Xabsiga dhexe ee Muqdisho, Disembar 2013 Lahaanshaha sawirka Human Rights Watch
Image caption Xabsiga dhexe ee Muqdisho, Disembar 2013

Warbixinta oo ka kooban 21 bog ayaa waxay sheegtay walow la gaaray waxoogaa horumar, in ay misna jiraan caqabado badan.

Caqabadahaas ay warbixintu sheegtay waxaa ka mid ah xorriyatul qowlka iyo xorriyadda fekerka oo "ay ku xadgudbaan ciidanka amaanka ee federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada, xadgudubyada loo gaysto dadka gudaha dalka ku barakacay, hanaan sharci oo ilaaliya dadka lixaadkoodu dhiman yahay oo aan jirin, iyo xuquuqda carruurta ay qafaashaan Al Shabaab ee la qabto ama baxsada".

Waxay kaloo warbixintu ka hadashay ciqaabta dilka oo weli Soomaaliya ka jirta, "inkastoo uu dalku ogolaaday soo jeedintii la sameeyey 2011 ee qaybta ka ahayd in dunidu ay dib u eegis ku samayso sidii loo qaadan lahaa sharci ciqaabta dilka ah mamnuucaya".

Caqabadaha kale ee warbixintu ay sheegtay waxaa ka mid ah xadgudubyada xagga jinsiga oo weli sii socda, inkastoo ay jiraan ololeyaal lagu dhaqan galinayo warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee mamnuucista xadgudubyada jinsiga oo loola jeedo xadgudubyada dumarka loo gaysto ee 7dii Maajo 2013.

Warbixintu waxay tiri " Al Shabaab weli waxay yihiin khatar weyn, inkastoo ay sii socdaan dagaalka ay wadaan ciidanka amaanka ee Soomaaliya iyo hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)".

Waxay soo qaadday warbixintu weerarkii 14kii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay ku dhinteen boqollaal qof, waxayna intaa ku dartay in ay "bartilmaameedsadaan saraakiisha dawladda, ayna lacag 'baad' ah ka qaadaan dadka rayidka ah ee ku nool dhulka ay gacanta ku hayaan".

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Warbixintu waxay sheegtay in Al Shabaab ay dadka ka qaadaan lacag baad ah

"Soomaaliya weli waxay ku jirtaa wakhti kala guur iyo dhisme nabadeed ah. Waxaana soo maray dib u dhacyo siyaasadeed, iyo kuwo dhaqan dhaqaale, kuwaasoo sraakiil sar-sare xilalka looga qaaday" ayey tiri warbixintu.

Waxay soo qaadday guddoomiyihii baarlamaanka ee xilka laga qaaday.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khliaafka dalalka khaliijka, ayadoo ka fogaanaysa in degaansho la'aan ay soo wajahdo.

Dhinaca dhismaha maamullada gobollada ayey warbixintu sheegtay in la dhamaystiray 2016, laakinse ay weli jiraan khilaafaadka soohdimaha iyo sheegashooyinka dhulka, kuwaasoo gaar ahaan u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Arrimaha bani'aadminimada ayuu khabiirka madaxa banaan hoosta ka xarriiqay in ay sii kordheen dadka gudaha ku barakacay, wuxuuna amaanay jawaabta bani'aadminimo ee laga bixiyey, "ayadoo laga baaqsaday geeri, ka dib abaar dalka ka dhacday sannadkii 2017, taasoo ay kumanaan qof ku barakeceen gobollada Shabeellooyinka, sababtayna in ay dad ugu dhintaan Muqdisho".

Wuxuu kaloo khabiirku warbixintiisa ku xusay talaabooyinka ay AMISOM qaadday , sida shaqaalaynta saraakiil u qaabilsan dhowrista xuquuqda aadanaha, "kuwaasoo sare u qaadi kara u hogaansanaanta xuquuqda aadanaha iyo shuruucda caalamiga ah ee xagga abi'aadminimada"..

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Warbixintu waxay amaantay hawlgalka AMISOM

Wuxuu ku amaanay AMISOM talaabooyinka dheeraadka ah ee ay ka qaadday ciribtirka tacaddiyada xagga galmada iyo "yaraynta khasaaraha dadka rayidka soo gaara marka ay hawlgallo fulinayaan".

Wuxuu ku baaqay khabiirku in si dhakhsiyo leh loo soo gabagabeeyo hanaanka dib u eegista dastuurka, wuxuuna ka codsaday dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada inay "sare u qaadaan iskaashigooda, si loo hagaajiyo xaqdhowrka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya".

Wuxuu khabiirku warbixintiisa ku soo gabagabeeyey talo soo jeedinno ku aaddan caqabadaha uu warbixinta ku sheegay, waxaana ka mid ah in beesha caalamku ay xaqiijiso in tirada ciidanka AMISOM ee la yaraynayo lagu saleeyo jadwal iyo shuruud waaqici ah, ciidanka milateriga ee Soomaaliyana si habaysan loo tababaro, loo maalgeliyo, loona qalabeeyo, si ay awood ugu yeeshaan "damaanad qaadka amaanka qaranka".

Wuxuu xukuumadda federaalka kula taliyey inay ansixiso dhowr heshiisyo iyo baaqyo xuquuqul insaan oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo goboleed oo weli aysan ansixin.

Mowduucyada la xiriira