Way sii ogeyd goorta ay dhimanayso Rachael Bland

Waxay sii sheegtay in nolosheeda ay maalmo uga harsan yihiin
Wariyihii BBC-da, Rachael Bland, ayaa geeriyootay iyadoo 40 jir da'deedu ahayd, ka dib markii ay ku dhawaad labo sano ay la xanuunsaneysay cudurka Kansarka.
Todobaadkan ayey sheegtay in maalmo ay uga harsan yihiin nolosheeda.
Qoyskeeda ayaa xaqiijiyay in ay ku geeriyootay aqalkeeda aroornimadii hore ee saaka.
Bland ayaa codkeeda aad looga yaqaanay idaacadda BBC-da ee Radio 5 Live, waxaana ay ahayd war akhriye ah, iyadoo isla markaana wax ka daadihin jirtay barnaamijka You, Me and the Big C, oo ah barnaamij looga hadlo cudurka Kansarka.
Waxay haweeneydaan qoraallo ka sameysay dagaalka ay kula jirtay cudurkaas, iyadoo qoraalladeedana abaal marinno ku heshay.
Markii la shaaciyay geerideeda, ayuu Rachael odaygeeda oo lagu magacaabo Steve soo qoray sidan "waxay ahayd saxafiyad xirfaddeedu ay aad u sarreysay, sidoo kalena waxay ahayd gabar ay waalidiinteed aad u jecel yihiin, waxaana jeclaa dadkii ay walaashood ahayd, kuwii ay eeddada ama habaryarta u ahayd, waxay ahayd xaas la jecelyahay iyo midda iyada ugu muhiimsan oo ah iney ahayd hooyada wiilkeeda qaaliga ah ee Freddie".
"Waxaan dhammaanteen ka war qabnaa kuna qanacsannahay shaqada cajiibka ah ee ay noo qabatay, ka dib markii uu cudurka ku dhacay, waxay noo caddeysay sida kartida leh ee ay u muujisay in qofku uu nolol wanaagsan ku noolaan karo xitaa haddii ay heystaan caqabado waaweyn".
Wuxuu ku qeexay iney ahayd "qof dhinac walba ka dhammeystiran", wuxuuna intaas ku daray "Waxaan ugu xiisi doonnaa si aan hadal lagu soo koobi karin".
Bishii Agoosto ayay saxafiyaddaan ku dhalatay magaalada Cardiff sheegtay iney buug xasuusta taariikhdeeda ah u qoreyso si ay uga tagto wiilkeeda labo sano jirka ah ee Freddie, waxayna buugaas ku magacowday "warqad jacayl oo aan u qorayo wiilkeyga quruxda badan", iyadoo haddanna ka gaari weyday dabaal degga sannad guurada saddexaad ee dhalashada wiilkeeda oo dhaceysa maalmo yar ka dib.
Xigashada Sawirka, Rachael Bland
Rachael iyo odaygeeda Steve
Shaqada BBC-da waxay billowday muddo 15 sano ah ka hor ah, iyadoo uu markaas magaceedu ahaa Rachael Hodges waxayna sannadkii 2013-kii is guursadeen wariye Steve Bland oo ay iskala wada shaqeynayeen BBC-da.
Iyadoo ka soo muuqatay barnaamijka 5 live, waxay sidoo kale wararka ka akhrin jirtay telefishinnada BBC News Channel, BBC World iyo BBC North West Tonight
Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016-kii ayuu ku dhcay cudurka kansarka ee naasaha.
Barnaamijka ay asxaabteeda la daadihin jirtay ee looga hadlo cudurkaas ayaa Talaadadii gaaray heerkiisii dhageysi iyo daawasho ee ugu badnaa, arrintaasna aad ayay ugu faraxday.
Dhawaan ayay Bland sheegtay in ay maalmo qura u harsan yihiin oo ay geerideeda soo dhawaatay.
Hase ahaatee haweeneydaan 40 jirka ah ayaa marar badan ka hadashay cabsida ay ka qabtay in ay wiilkeeda ka tagto isagoo hooyo la'aan ah.
Bishii Agoosto ayay Daily Telegraph ku soo qortay sidaan; "kama cabsi qabo dhimashada balse cabsideyda ugu weyn waxaan u qabaa dadka aan ka tagayo. Sida qaaligeyga Freddie… Steve iyo qoysaskeennaba."
Waxay intas ku dartay: "Steve iyo aniga kama wada hadalno sida uu la'aantey u noolaan doono ninkeygu laakiin waxaan kaliya ka hadalnaa waxyaabaha aan doonayo inuu Freddie sameeyo marka aan anigu tago.
Waa nin qiiro badan, marka waxaan ogahay inuu wax badan ooyi doono. Laakiin sidoo kale waa aabaha ugu cajiibsan wax kastana wuu u sameyn doonaa wiilkeenna dartiis."
Tacsida laga diray geerida "Rachael oo geesiyad ahayd"
Steve Bland ayaa hogaamiyay farriimaha tacsida ah ee dhimashada xaaskiisa ku aaddan waxaana uu warka lagu shaacinayay geerideeda ku soo qoray barteeda Twitter-ka. Wuxuu qoray "Waan niyad jabsannahay, laakiin iyadu waxay jeclaan lahayd inaan qof walba uga mahad celiyo sida uu taageerada noola garab istaagay. Waligiin ma ogaan doontaan sida ay taas wax ugu tareyso iyada".
Jonathan Wall oo koontaroola idaacadda BBC Radio 5 Live, ayaa sheegay iney Rachael ahayd wariye karti badan oo aad loo jeclaa isaguna uu si weyn uga murugeysan yahay geerideeda.
Saaxiibaddeed iyo shaqaalihii kale ee ay iskala howl galayeen BBC-da ayaa tacsi u diray dhammaan xubnaha qoyskeeda iyo eheladeeda.