Markabka Itoobiya iyo Dekadda Misiwa

Markab Itoobiya leedahay oo ku soo xirtay dekadda Misiwa

Xigashada Sawirka, Horn Affairs

Qoraalka sawirka,

Markab Itoobiya leedahay oo ku soo xirtay dekadda Misiwa

Dhacdada maanta ka dhacday dekadda Misiwa ee dalka Eretrea ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo albaab cusub u furayso xiriirka labada dal ee ay 20-ka sano colaadda gaamuurtay ka dhaxeysay.

Labada dal ee dariska ee ay muddada colaadda ka dhaxeysay oo dhaqan, diin iyo waxyaaba kale wadaago bilihi ugu dambeeyey waxaa dhex marayey heshiisyo nabadeed.

Heshiisyada ay labada dal galeen ayaa waxaa ka mid ahaa iney dib u soo celiyaan xiriirki ganacsi, siyaasadeed iyo mid dibloomaasiyadeed oo ay horay u lahaan jireen.

Eretrea waxay muujisay iney dooneyso iney Itoobiya shuruud la'aan isticmaasho dekadaha Eretrea, halka Itoobiyan ay billaawday iney qaaddoo tillaabbooyin ay ku dooneyso iney dakadahasi isticmaasho.

Waxaana dib u billaawday xiriirka gaadiidka ee hawada, badda iyo barriga ee labada dal.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay duullimaad toos ah ay ka billaawday Addis Ababa- Asmara iyada oo ay labada shacabna billaabeen iney labada caasimadood isaga gooshaan.

Maantana mudo labaatan sana kaddib waxaa dekadda Missewa oo ka mid ah labada dakadood ee waaweyn oo ay Eretrea leedahay ku soo xirtay Markab weyn oo noca ganacsiga oo ay Itoobiya leedahay Markabkaasi oo lagu magacaabo MEKELE.

Mekele safarkiisa ugu horreeya oo uu Eretrea kaga shareecdo wuxuu ku tagi doonaa dalka Shiinaha halkaasi oo uu ka soo qaadayo alaaba ganacsi.

Xigashada Sawirka, YEMANE GEBREMESKEL

Qoraalka sawirka,

Dr Abiy xilli uu booqday dekadaha Eretrea

Markabka Itoobiya ee ku soo xirtay Eretrea ayaa waxay shaki gelineysaa iney Itoobiya sii istcmaali doonto dekadda Jabuuti iyo inkale.

Hase ahaatee saraakiisha Itoobiya ayaa waxay sheegayaan iney lagama maarman tahay inuu dalku marwalba haysto dakado badan oo uu wax ka soo dejisan karo halka uu ku tiirsanaan lahaa hal dekad oo keli ah.