Madaxda Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya oo Asmar ku kulmaya

Risalwasaare Abiy, Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Risalwasaare Abiy, Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo shirki China ka soo noqday wuxuu toos ugu sii gudbay maglada Asab ee dalka Eretrea halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Isayas Afawarqi.

Ra'isal wasaaraha oo ka qayb galayo shirka seddex geesoodka oo maalinta Khamiista seddexda hoggaamiye uga furmaya magaalada Asmara.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wuxuu isna gaaray magaalada Asmara uu uga qayb galaa shirkaasi.

Shirkan seddex geesoodka ee ay waddamadaasi yeelanayaan oo Khamiista iyo Jimcaha magaalada Asmara ka soconaya ayaa la filaya iney seddexda hoggaamiye ku falanqeeyan heshiisyadi ay dhawaan gaareen wax ka qabsoomay iyo sidii heshiisyadasi loo sii dardargelin lahaa.

Shirkana seddex geesoodka oo halku dhig looga dhigay dardargelinta Iskaashiga iyo Nabadda.

Dhinaca kalana Itoobiya ayaa 20 sano kaddib mgalada Asmara ka furaneyso safaaraddeeda iyada oo la filayo iney munaasabadda safaaradda lagu furayo ay seddexda hoggaamiye goob joog ka noqdaan.