Xoola dhaqatada deegaannada Puntland oo ka cabanaysa qiima dhac ku yimid shilinka Soomaali

Xoola dhaqatada deegaannada Puntland oo ka cabanaysa qiima dhac ku yimid shilinka Soomaali

Xoola dhaqatada deegaannada Puntland ayaa waxa ay ka cabanayaan qiima dhac ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga.

Arrintan ayaa waxaa loo aanaynayaa qiimaha safirka lacagaha qalaad lagu kala iibsado oo sabeynaya.

Xoola dhaqatada iyo dadka ka sii ganacsada xoolaha ayaa waxaa saameeyay qiima dhaca lacagta iyo maciishadda oo sare u kacday, halka mararka qaar xoolaha ay suuqa keenaanna aananba laga gadan.

Haddaba weriye Axmed Cawil Jaamac ayaa tegay suuqa xoolaha ee magaalada Garowe kaddibna warbixintan ayuu ka soo diyaariyay.