ERC oo ruqsada kala laabtay shirkadda madaxa bannaan ee qaybisa shidaalka (KIPEDA)

.

Xigashada Sawirka, MOTORISTS' ASSOCIATION TWITTER

Waaxda arrimaha tamarta iyo jaangoynta qiimaha shidaalka(ERC) ee dalka Kenya ayaa ruqsada kala laabtay shirkadda madaxa bannaan ee qaybisa shidaalka (KIPEDA), ka dib markii lagu soo eedeeyey inay hor kacaysay mudaharaad looga soo horjeedo canshuur cusub oo lagu soo rogay qiimaha shidaalka.

Bayaan la soo saaray maalintii Arbacada ahayd, ERC waxay sidoo kale ku eedaysay KIPEDA in ay cabsi gelisay ganacsata kale ee shidaalka.

"Waaxda ERC waxay aaminsantahay in arrintan ay hormuud ka ahayd KIPEDA, oo ah shirkad ay horay shati u siisay ERC"

ERC waxay ku war galineysaa shacabka in tallaabada ay shirkadda KIPEDA qaaday ay dhaqaalaha dalka khatar gelinayso ayna sababtaas owgeed sharciga kala laabteen.

Qoraalka Codka,

Xaaladda ganacsiga Soomaalida Kisumu ee Kenya

Qoraalka Codka,

KENYA: DHIMASHADA DAYACA WADOOYINKA KEENYA

Gawaarida ay leeyihiin shirkadaha qaybiya shidaalka ee la safan KIPEDA ayaa maalintii Isniinta ahayd wax howlgal ah aanan sameynin.

War bixin ay soo saareen Axaddii ururka ay gaadiidlayda Kenya ku midoobeen oo uu saxiixay madaxa ururka Peter Murima ayaa lagu yiri "waxaan dhamaan gaadiidlayda ugu yeeraynaa inay muujiyaan dareenkooda Isniinta iyo Talaadada.."