Falanqayn: Geeska Afrika oo awooddiisa muujinaya

Seddexda wasiir A. Dibadeed ee Jabuuti tegey

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka,

Seddexda wasiir A. Dibadeed ee Jabuuti tegey

Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea waxay magaalada Asmara ku saxiixeen heshiis iskaashi-goboleed ah, oo dulucdiisu tahay in la fududeeyo isdhex galka xagga dhaqaalaha ee geeska Afrika.

Waxay kaloo ku heshiiyeen laba qodob oo kale oo dheeraad ah, kuwaasoo kala ah in la qabto guddi isku dhaf ah oo u xil saaran fulinta heshiiska, iyo in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Saacado ka dib waxaa Jabuuti u duulay seddexda wasiir-arrimo-dibadeed ee seddexda dal. War-murtiyeed kooban, laakinse ay ka muuqato in la isla jaanqaaday ayey soo wada saareen galinkii dambe ayaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee ay martida u ahaayeen.

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka,

Seddexda hogaamiye oo heshiiska saxiixaya

Dadaalka socda yaa wada

Haddaba, dadaalka gobolka ka socda ee sida xawliga leh ku socda, sida isu soo dhawaansha Itoobiya iyo Eritrea iyo in Jabuuti iyo Eritrea khilaafkooda la xalliyo yaa wada oo juhdiga ugu badan galiyey?

Dr Cabdi Ismaaciil Samatar oo arrimaha gobolka ka faallooda wuxuu u arkaa in ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu yahay qofka dadaalka ugu badan ku bixinaya arrintan.

"Ninkani wuxuu u socdaa inuu abaalgudka Nobel-ka ku qaato, shirkanna isagaa sal u ah" ayuu yiri.

"Wuxuu doonayaa inuu jiho u yeelo macaluusha iyo baahida haysata tobanaanka malyan ee qof ee dalkiisa, madaxweyne Afwerki-na wuxuu doonayaa in hoggii lagu riday uu ka soo baxo, Jabuutina waxay doonaysaa in nabadda ay haysatay iyo tan ay gobolka ugu baaqaysay la sii ballaariyo" ayuu yiri, wuxuuse farta ku goday Soomaaliya, isagoo shaki galiyey sida ay Soomaaliya ula jaanqaadi karto isbeddelka muggaas leh ee ka socda gobolka, xilli ay kala boodsan yihiin xukuumadda federaalka iyo dawlad goboleedyada" ayuu sii raaciyey Prof Samatar.

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Farmaajo oo galabnimadii ka dhoofay Eritrea

Waanwaanta Jabuuti iyo Eritrea

Labada wasiir arrimo dibadeed si wanaagsan ayey isku marxabeeyeen markii ay ku kulmeen madaarka Jabuuti, sawirradoodana waxaa ka muuqatay dhoolla caddayn.

Waxaa intaa dheer Eritrea oo muddo dheer ahayd dal aad u xirxiran, in uu wasiir-arrimo- dibadeedkoodu qaatay go'aan la mid ah kii uu Abiy Axmed ku tegey Asmara horraantii bishii Luulyo, xilli labada dal aysan xataa lahayn xiriir diblomaasiyadeed iyo isu socodka dadka iyo ganacsiga.

Prof. Samatar wuxuu aaminsan yahay in xalku noqon doono in dhulka la isku haysto ee labada dal loo tanaasuli doono Jabuuti, sidaana heshiis lagu gaari doono.

"Waxaan is leeyahay dadaalku in uu yahay in Eritrea ay ka baxdo jasiiradda ay haysato, ciidankii ka dhintayna Jabuuti loo soo celiyo, maxaabiistana la is weydarsado. In ay sidaa u dhici doonto Alle ayaa og laakin qorshahaas ayaan maqashiisnahay" ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka,

Maxamuud Cali Yuusuf iyo Cusmaan Saalax oo garoonka Jabuuti isku marxabbaynaya

Qorshahan muxuu gobolka u horseedi karaa?

"Itoobiya iminka ayey lugaha isku duwanaysaa. Haddii Eritrea iyo Jabuuti ay iyagana hore isugu luga duwanaayeen, Soomaaliya ayaa noqonaysa meesha kaliya ee aan isku lugo duwanayn, markaa waxaan ka baqanayaa in Soomaalidu ay ka harto dadaalka meesha ka socda, waayo dalka isaga gudihiisa ayaa waxaa ka taagan khilaaf badan" ayuu dooddiisa ku saleeyey Prof. Samatar.

Wuxuu kaloo qabaa Dr Cabdi Ismaaciil Samatar in meesha laga saaro "faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya" oo muddo dheer loo aanayn jiray dib u dhac weyn oo siyaasadeed iyo saamayn qallafsan in ay dalka ku yeelatay.

Dhinaca gudaha ayuu ifafaale rajo leh ka bixiyey. "Rajo iyo fursad wanaagsan baa socda haddii baarlamaanka iyo xukuumadda ay is bahaystaan, oo gobolladana si wanaagsan loola hadlo, in rajadaas wanaagsan laga miro dhalin karo waxay markaa u taallaa farsamada xamar taalla" ayuu falanqayntiisa ku soo gabagabeeyey Dr Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hindisahan xawliga ku socda ayaa ugu dambaynta u xuub-siiban kara, haddii aanay wax caqabad ah ka hor imaan, oo Jabuutina ay ku soo biirto, urur-goboleed la mid ah kan dalalka Afrikada bari, ama dalalka galbeedka Afrika ee ECOWAS, kuwaasoo u socda in ay yeeshaan hal suuq iyo hal lacag, dadkooda iyo badeecadahoodana ay si xor ah isku dhex maraan.