Dhulgariir ka dhacay Japan oo ay dad ku dhinteen

Saraakiisha Japan ayaa ka digay dhulgariir kale oo dhaca maalmaha soo socda Lahaanshaha sawirka EPA/JIJI PRESS
Image caption Saraakiisha Japan ayaa ka digay dhulgariir kale oo dhaca maalmaha soo socda

Raisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof ay ku dhinteen dhulgariir ka dhacay jasiiradda Hokkaido.

Xukuumadda Japan ayaaa sidoo kale sheegtay in 26 qof oo kali la la'yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Shaqaalaha gurmadka aaya la daalaa dhacay sidii ay u heli lahaayeen dadkii ka badbaaday dhulgariirkani.

  1. Dhul gariir iyo dhul go'ay oo dhibaato baaxad leh ka gaystay Japan
  2. Ra'iisul wasaaraha Japan oo Trump la kulmay
  3. Qalad ka dhacay Google oo Japan saameeyay

Dhulgariirkani xooggan ayaa sababy dhul go'o ay ku aasmeen guriyo waxaana sidoo kale xirmay wadooyiinka.

In ka badan 5 milyan oo ku nool jasiiraadani ayaa wali aan haysan wax koranto ah.

Dalka Japan ayaa waxaa ku badan dhulgariirada.

Mowduucyada la xiriira