Wiil u dhashay Israa'iil oo "dhintay isagoo sawir iska qaadaya"

Beerta Yosemite

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Beerta Yosemite

Wiil da' yar oo u dhashay Israa'iil ayaa ku dhintay beer ku taalla California oo lagu magacaabo Yosemite, isagoo sawir iska qaadaya sida ay warbaahinta shaacisay.

Tomer Frankfurter, oo 18 sano jir ahaa, ayaa fasax labo bilood ah ku joogay Mareykanka.

Wiilka hooyadiis ayaa sheegtay in wiilkeeda uu isku dayey inuu sawir iska qaado, balse uu gebiga ka dhacayey.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegay in mayka wiilka la geeyay Israa'iil.

Bishii June, labo qof ayaa arrinkan oo kale ugu dhintay beerta Yosemite.