Fal dambiyeed ku saabsan dilka gabar yar oo baaritaankiisa uu socdo 48 sano

Cheryl waxaa la waayey in yar ka dib markii reerkoodu uu u guuray Australia

Xigashada Sawirka, NSW POLICE

Qoraalka sawirka,

Cheryl waxaa la waayey in yar ka dib markii reerkoodu uu u guuray Australia

Nin ay ku socotay maxkamadayn ayaa ku calaacalay inuusan wax lug ah ku lahayn dil sannadkii 1970-kii Australia loogu geystay gabar yar oo ku dhalatay Ingiriiska.

Cheryl Grimmer oo saddex jir ahayd ayaa la waayay xilli ay ku sugneyd xeeb ku taalla gobolka New South Wales.

Wax yar ka hor waqtigaas ayey qoyskeeda u guureen Australia, iyagoo ka tagay magaalada Bristol ee waddanka Ingiriiska.

Weynta gabadhaas ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabaha xaqiiqdooda la garan waayay ee waqtiga ugu dheer ka soo jiitamayay dalka Australia.

Ninka lagu eedeeyay dilkeeda oo hadda 64 sano jir ah ayaa la filayay in uu xukun maxkamadeed wajaho bishii Maajo. Magaciisa lama sheegi karo sababo xaga sharciga ah awgood, maadaama xilliga dilkaas la tuhunsan yahay dhacayay uu ahaa 16 jir, oo uusan qaan gaarin.

Eedeysanaha ayaa magaalada Melbourne lagu xiray bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay.

Jimcadii ayuu muuqaal fiidiyoow ah uga soo hor muuqday maxkamadda ugu sarreysa gobolka New South Wales, wuxuuna ku cataabay inuusan dambigaas galin.

Xigashada Sawirka, NSW POLICE

Qoraalka sawirka,

Halkan ayey ahayd meeshii lagu waayey Cheryl

Arrin la garan la'yahay tobannaan sano

Cheryl waxaa meel ay jaan iyo cirib dhigtay la waayay 12-kii bishii Janaayo ee sannadkii 1970-kii, ka dib markii ay qoyskeeda u raacday safar ay ku tageen xeebta magaalada Wollongong oo 70km (44 miles) dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Sydney.

Isla markaasba waxaa la billaabay raadinteeda oo ay dad aad u fara badan ka qeyb qaateen, laakiin lama helin cid meel ku sheegta.

Booliska ayaa sheegay in sannadkii 2016-kii ay heleen macluumaad cusub, inkastoo aysan shaaca ka qaadin.

Sannadahaas oo dhan qoyska Cheryl waxay la murugoonayeen arrintan, mana aysan ogeyn waxa dhacay.

Walaalkeed oo lagu magacaabo Stephen Grimmer, ayaa 2016-kii yiri "Aabbahay iyo hooyadeyba waxay geeriyoodeen iyagoo aan ogaanin arrinta ku saabsan gabadhooda, annaguna waxaan rabnaa inaan ogaanno ka hor inta aannaan dhimanin."

Cheryl Grimmer oo 3 sano kaliya jirtay markii la waayay ayaa hadda waxay ahaan lahayd 51 jir.

Dambi baareyasha ayaa sheegay in uu shaki uga jiro in Cheryl meydkeeda la heli doono.