Marxaladihii uu soo maray calanka maanta la ansixiyey

Xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ayey ku ansixiyeen calanka
Image caption Xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ayey ku ansixiyeen calanka

Baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta ansixiyey in la beddelo calanka dawlad deegaanka. Qormadan waxaan ku eegaynaa sida ay arrintan ku timid iyo heerarka ay soo martay.

Xagee ka yimid calanka cusub ee deegaanka Soomaalida?

Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa isku raacay in la baddalo calankii hore ee deegaanku uu lahaa, waana markii sadaxaad ee calankan la baddalayo.

Hindisa calanka lagu baddalayo waxaa la yimid ku simaha Madaxweynaha dawlad deegaanka, Mustafa Muxumed Cumar, ayaa keenay qorshaha ah in dib loo soo celiyo calankii uu deegaanku isticmaali jiray sanadihii sagaashamaadkii.

Markii ugu horaysay calanka waxaa badalay Cabdi Maxamuud Cumar 2010-kii, markaasoo lagu soo kordhiyay dhowr midab iyo sawirka neef geel ah.

Lahaanshaha sawirka Youtube
Image caption Calanka hadda la ansixiyey

Calanka yaa leh?

Caadiyan calanka dal ama deegaan waxaa iska leh shacabka ku nool halkaasi, waloow dhaqangalinta waxkabadalka calanka uu baarlamaanka ansixiyo, haddana waxaa muuqata in madaxweyne walba uu la yimaado hindise calan cusub in la sameeyo.

Goormaa la sameeyey calankii ugu horeeyey ee Deegaanka?

Sagaashamaadkii ayay ahayd markii ugu horaysay ee deegaanku uu yeesho calan u gaar ah, waxayna ahayd Janaayo 1993-dii oo baarlamaankii berigaasi jiray uu Magaaladda Diridhaba ku sameeyey calankii ugu horeeyey oo ka koobnaa cagaar, cadaan, guduud iyo Buluug dhaxda ku leh xidig cad.

Faysal Cabdiqaadir oo wax ka qora taariikhda deegaanka ayaa BBC-da u sheegay "berigaas calanka la samaynayay waxaa baarlamaanka fadhiyay 12 xisbi oo Soomaalidu ay lahayd, waxaa ka mid ahaa xisbiga Ciise iyo Gurdure,WSLF, Horyaal , xisbi walba waxbuu xisbiga kale ku diidanaa balse markii dambe calanka ayaa la isla qaatay".

Lahaanshaha sawirka Youtube
Image caption 2007 - 2008 ayaa calankan la keenay

Yaa baddalay calanka?

Xukuumadii Daa'uud Maxamed Cali ayaa sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii badashay calanka iyagoo markaasi u sababaynayay inay ka dhex muuqato astaanta Soomaaliweyn ee xidigta shanta gees leh.

Waxay sameeyeen calan cusub oo midabbo kale leh uuna ka muuqdo neef geel ah.

Faysal Cabdiqaadir Sulub wuxuu BBC-da uga waramay sababta ay maamulkii berigaasi jiray u baddaleen calanka.

"Xisbiga TPLF ayaa lagu raaligalinayay calanka cusub, oo calanka gobolka TPLF ayaa midabka jaalaha ah laga soo dheehday, neefka geela ahna Soomaalida dhaqankeeda ayaa laga soo qaatay" ayuu yiri.

Murannadii la soo maray

Ibraahim Adan Xalxaali oo Doolaal ku magacdheer waxa uu ka mid ahaan jiray xukuumadihii deegaanka soo maray, waxuuna xubin ka ahaa baarlamaanka ansixiyay calankan cusub ee hadda dib loo soo celiyey.

"Deegaanka Soomaalida berigaas ma dhisnayn waxuuna ka koobnaa Ismaamulka Ogaden, Bariga Hararge, Ismaamulka Ciise iyo Gurgure, qayb ka mid ah gobolkii Baali, iyo dhulkii la oran jiray Somali Aboo. Baarlamaankii intaasoo gobol ka koobnaa oo 110 ahaa ayaa Diridhaba u fariistay iskuna raacay calankan" ayuyu yiri.

Inta badan dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyey in dib loo soo celiyo calankii hore ee deegaanku uu lahaa.

Mowduucyada la xiriira