Doorashada guud ee dalka Sweden oo maanta loo dareeray

Arrinta ugu wayn ayaa ah midda dadka soo galootiga Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Arrinta ugu wayn ayaa ah midda dadka soo galootiga

Dadka reer Sweden ayaa maanta waxa ay u dareereen goobaha codbixinta doorashada guud ee dalkaasi.

Ololihii doorashada dalkaasi ayaa waxaa hareeyay muranka ku saabsan dadka soo galootiga ah.

Hogaamiyaha xisbiga ka soo horjeeda dadka soo galootiga ah ee Sweden Democrats, Jimmie Akesson, ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in xisbigiisa ay guulo ka soo hoyin doono doorashada guud ee maanta dhacaysa.

Xisbiga Sweden Democrats, ayaa haysta fursad ay ku gali karaan kaalinta labaad ee xisbiga xubnaha ugu badan ku leh baarlamaanka dalkaasi.

  1. Soomaali u tartamaysa xildhibaannimada baarlamaanka Sweden
  2. Dadweynaha Sweden oo la barayo sida dagaal looga diyaargaroobo
  3. Miyuu dhacay calankii kubbadda cagta ee Talyaaniga?

Rai'sul wasaaraha dalka Sweden,Stefan Lofven, ayaa ka digay khatarta ka iman karta taageerida dadka xagjirka ah.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka ay sanooyiinkii ugu dambeeyay galeen dad badan oo soo galooti ah.

Qaxootigan ayaa waxa ay inta badan ka yimaadeen dalalka bariga dhexe,Afqaanistaan iyo qaarada Afrika.

2015 dowladda Sweden waxa ay qaadatay oo ay qaabishay 163,000 oo ah dad magangalyo doon ah.

Mowduucyada la xiriira