Dadka aragga la' ee Hargeysa oo doonaya in ay machad sare u dhisaan dadka aragga ka naafoobay
Dadka aragga la' ee Hargeysa oo doonaya in ay machad sare u dhisaan dadka aragga ka naafoobay
Qaar ka mid ah dadka aragga ka naafoobay ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa wada ololole ay qaadhaan ugu ururinayaan dhismaha Mac'had sare oo ay sheegeen inay ka dhisayaan magaaladaa, si ay wax ugu bartaan dadka aragga ka naafoobay ee tacliinta u baahani.
Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa qaar ka mid ah dadka indhoolayaasha ah ee hawshaa u xaytay kula kulmay xarunta baarlamanka oo u tageen hawlaha qaadhaan ururinta ah ee ay ku jiraan, waxaanay uga warameen yoolka ay hiigsanayaan.