Nin loo xiray haweeney uu la cunteeyey

Markay wada cunteeyeenba waa la xidhay
Qoraalka sawirka,

Markay wada cunteeyeenba waa la xidhay

Ninkan u dhashay dalka Masar ayaa la xiray kaddib marki uu muuqaal uu iska duubay isaga oo haweeney la qureecanayo uu boggiisa Twitter-ka soo geliyey.

Muuqaalka ayaa ka muuqda nin lahjadda Masar ku hadlaya iyo haweeney niqaaban oo la qureecaneyso oo u muuqatay iney u dhalatay Sacuudi Carabiya.

Arrintan ayaa ah mid muran dhalisay marka loo eego sharciga sacuudi carabiya u yalla, iyada oo goobaha lagu cunteeya sida maqaayadaha McDonalds iyo Starbucks ay leeyihiin meel u gaar ah qoysaska wada cunteeynayo si aan loo arag haweeney cunteyneyso.

Sharciga Sacuudiga u yaalla ayaa wuxuu dhigayaa haweenka maxramkooda uu la soconinna iney ku cunteyn karaan oo keli qol haweenka u gooni ah oo maqaayad kasta oo sacuudi ku taallo laga helo.

Inta badanna maqaayadaha laftooda looma oggolo haweeney ay la soconin maxramkeeda iney ka adeegato.

Haddaba ninkan la xiray ayaa waxaa soo qabatay wasaaradda shaqada iyo horumarinta bulshada ee Sacuudi Carabiya iyada oo lagu soo eedeeyey 'inuu ku xadgudbay dhawr arrimood oo Sacuudiga mamnuuc ka ah oo ay ka mid tahay muuqaal haween oo duuban oo weliba cunta cuneyso inuu baraha bulshada ku baahiyey'.

Bogga Twitter-ka oo Arabic hashtag cinwaanna looga dhigay "Nin Masaari ah oo Haweeney Sacuudiyaan ah la qureecanayo" waa boggaasi tweeterka lagu baahiyey in ka badan 113,000 oo jeer, taasoo lagu tilmaamay mid dhaqanka bulshada kala qaybisay.

Aragtida dadka Sacuudiga ay ka bixiyeen

Muuqaalkan oo soconaya 30 ilbiriqsi, ninka iyo naagta oo wada sheekeysanaya ayaa laga daalacanaya, balse muuqaalka cid kale kuma wehliso oo waa kaligood.

Arrinta muranka ugu badan dhalisay ayaa waxay tahay dhammaadka muuqaalka haweeneyda oo cunta afka u gelineysa ninka Masaarida ah ee la socday.

Dad badan oo Sacuudiyaan ah oo muuqaalkaasi daawaday oo rag iyo dumarba isugu jira ayaa falkaasi si weyn u cambaareeyey, iyada oo dadka intooda badan ay aad ula yaabeen halki gabadha la ganaaxi lahaa sababta ninka keligii loo xiray.

Gabar la yirahdo Malak oo Twitter-ka istcicmaasho ayaa waxay sheegtay 'iney u baahan tahay in la fahansiiyo sababta marwalba ragga keli ah loo ciqaabo oo haweenka loo bari yeelo'.

Waxayna intaa raacisay anigu waxaan ahay gabar u dhalatay Sacuudiga waxaan u baahannahay in labadooduba la ciqaabo maadaamaa ay suuqa wax ku cuneen, ku qosqosleen waxaan leeyahay xadki wey soo tallaabeen marka in la ciqaabo ayaan doonayaa'.

Dadka qaarna waxay iyagu ahmiyadda siiyeen in dadka wada shaqeeyo ay wax wada cuni karaan oo wax dhib ahna ay ka jirin.

Tariq Abdel Aziz oo ka mid ah dadka istcimaalo twitter-ka ayaa wuxuu isna ku baaqay in dadka asxaabta ah ama wada shaqeeyo ay awoodi karaan iney kaftamaan, wax wada cunaan ama wixi kale ee wanag ah oo dadka caadiga ah dhaxmari kara oo dhan ay dhex maraan.

Dadka qaar oo uu ka mid yahay Hammoud Alduhayian waxay isku raaceen "fursadaha shaqo ee loo abuuray haweenka Sacuudiga iyo dadka ajaanibta ee ay la shaqeeyaanba inay qayb weyn ka qaadanayaan burburka dhaqanka iyo caadada dalka Sacuudi Carabiya u lahaa."

Argatida ay dadka Masarida ka bixiyeen

Dad badan oo ku nool dalka Masar oo arrintan aragtidooda ka dhiibtay ayaa waxay sheegeen warka ka imanaya Sacuudi Carabiya ee ah in cid walba loo xiri karo wax aan micna badan ku fadhiyin sida muuqaal yar oo la baahiyey oo kale.

Waxayna sheegeen iney wax lala yaabo tahay tallaabbada Sacuudiga ka soo yeertay iyo isbeddellada uu dalkaasi u qaaday xuquuqda haweenka in wax lagaga beddelo sida in gaari wadidda loo oggolaado oo kale ay tahay laba aan islaheen oo aad u kala fog.

Osama Gaweesh oo ka shaqeeyo telefishiin ku yaallo dalka Masar ayaa wuxuu sheegay inuu la yaabay xarigga loo geystay ninka Masaarida u dhashay isaga oo soo dhigay su'aal ah "Soo Amiir Mohammed bin Salman oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ah ma eheen ninkii lahaa Bandhig faneedka , Ruwaayadaha, Sahaneemooyinka iyo in xeebaha lagu dabaashaba in Sacuudiga laga oggolaaday oo dejistay himilada 2030-ka uu doonayo inuu dalkaasi gaarsiiyo isbeddella badanna uu sameeyo? "

Gabadh kale oo Masaari ah oo la yirahdo Sonia oo baraha bulshada isticmaasho ayaa waxay sheegtay iney tallaabbadan ay ku timid "jilicsanaanta ragga Sacuudiga".