Ugxaanta lagu keydiyo da`da 40-meeyada oo laga dayriyay

Dhalmada Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waaxda ku shaqada leh dhalmada ee dalka Ingiriiska, HFEA ayaa ugu baaqday isbitaallada inay caddeeyaan inaysan wax micno ah ku jirin haweenka ka weyn da`da 40-ka ee keydsanaya ugxaanta, maaddaama ay aad u yartahay suurtogalnimada ah inay mustaqbalka uur yeeshaan.

Hoos u dhaca dhalmada waxay la xiriirtaa da`da, sidaa darteed xilliga ugu habboon ee ay haweenku keydsan karaan ugxaantooda ayaa ah marka ay gaaraan 35 sano, ayay waaxdu tiri.

Qiimeyn ayaa muujineysa in da`da ugu badan ee haweenka lagu daweeyo ay tahay 38, iyadoo qaar badan ay ugxaantooda keydsadaan marka ay gaaraan 40 sano.

Xarumaha caafimaadka ee NHS ayaa sharciyeeyay in da` yar lagu keydiyo ugxaanta, balse kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaan taas ku dhaqmin.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Faa'idada caafimaadka ee kala fogeynta dhulmada

Haweenka ayaa keliya NHS ku keydsan kara ugxaantoda, haddii ay sababo caafimaad u sameynayaan, sida inay u baahdaan daaweyn kansarka ah, taas oo mustaqbalka dambe u horseedi karta dhalmo la`aan.

Xarumaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sidoo kale adeeggan siiya haweenka sababo la xiriira mid bulsho, sida inay dib u dhigtaan dhalmada sababtoo ah weli lama aysan kulmin lammaane ku habboon.

Sanadkii 2016, 80% ka mid ah 1,310 habka keydinta ugxaanta ayaa laga fuliyay xarumaha caafimaadka sida gaarka ah loo leeyahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Fannaanadda Rita Ora ayaa ugxaanteeda keydisay da`da 20-meeyada

Qiyaastii 890 ka mid ah waxaa lagu sameeyay haweenka ay da`doodu tahay 35 iyo kuwa ka weyn, marka loo barbar dhigo 491 lagu sameeyay haweenka intaas ka yar.

HFEA ayaa sheegeysa inaysan caddeyn sababta bukaannada da`dan jira ay u keydinayaan ugxaantooda.

Waxay waaxdu sheegtay inay tahay in haweenka warbixin cad laga siiyo khatarta, dhaqaalaha iyo suurtogalnimada in guul laga gaaro keydinta ugxaanta, taas oo beryahan dambe noqoneysa qorshe caymis dhalmada ah.

Xaqiiqooyin ku saabsan keydinta ugxaanta

  • Heerka guusha oo ah mid aad u yar
  • Tayada ugxaanta iyo tirade oo si dabiici ah hoos ugu dhaca marka ay ahweenku sii gaboobaan
  • Ma aha wax fudud in hooyonimada dib loo dhigo
  • Qarashka NHS ayaad heli kartaa haddii ay ku haysato xaalad caafimaad oo saameyn karta dhalmadaada
  • Ugxaanta la keydiyay ayaa caadi ahaan oolli karta muddo 10 sano ah (inkastoo ay jiraan sababo caafimaad oo ka reebban)

Keydinta ugxaanta ayaa qiimaheedu wuxuu u dhaxeeyaa £2,720 iyo £3,920 halkii mar.

Inta badan xarumaha caafimaadka ayaa qiimahaas ku dara keydinta ugxaanta muddo labo sano ah, balse waxaa jiri kara khidmo sanadle ah oo gaareysa £350.

Qiimaha guud haddii aad doneyso inaad ugxaantaada la baxdo si aad mustaqbalka u isticmaasho ah ayaa ah £7,000 ilaa £8,000.

Inkastoo da`da haweenka loogu abuurayo ugxaanta aysan wax saameyn ah ku lahayn jaaniska guusha, balse da`da ugxaanta lagu keydinayo ayaa saameyn ku yeelata. HFEA ayaa sheegtay in ugxaanta lagu keydiyo da`da ka yar 35, uu jaaniska guushu ka sarreeyo kan uur-qaadidda dabiiciga ah ee haweenka sii gaboobaya.

Mowduucyada la xiriira