Booliska Puntland ee Gaalkacyo oo qirtay in qaar ayaga ka tirsan ay weriye jirdileen

Weriye Maxamed Cali Siyad
Image caption Weriye Maxamed Cali Siyad

Maxamad Cali Siyaad waxaa Jirdil u geeystay askari ka tirsan ciidanka booliska Puntland ee gobolka Mudug, waxa uu sheegay maxamed in markii jirdilka loo geeysanayay uu doonayay in uu waereysi ka qaado Maxamad Cali Cawaale oo ah taliye ku xigeenka qeybta booliska.

BBC-da oo la hadashay Maxamed ayuu u sheegay in nabarka madaxa kaga yaal iyo jugta kale ee qarsoon ay u gaysteen booliska waxa uuna intaasi ku daray in askariga gacan qaadka u geystay uusan xirnayn dareeska booliska oo u xirnaa dhar caadi ah. Dhanka kale BBC-da oo la hadashay taliye ku xigeenka ayaa weeydiisay waxa ka jira eedda loo soo jeedinayo booliska, waxa uuna sheegay in ay jirto eedeeyntaasi oo waxa uu yiri nabarka askariga ayuu ka dhacay balse waxaa la'ii xaqiijiyay in gacanta uu ku horeeyay weriyuhu laakinse ciidanka aan loo ogolayn in marnaba ay ku xad gudbaan dadka riyidka ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Weriyayaasha Puntland oo ka cabanaya arrinta dekadda Boosaaso

Waxa sidoo kale taliye ku xigeenka sheegay in la xiray askarigii xad gudubka geeystay lana baarayo dhacdada iyo sidii ay u dhacday.

Wariye Maxamad Cali Siyaad ayaa hadda caafimaadkiisu wanaagsan yahay mana jirto wax war ah oo ka soo baxay oo ka madaxbanaan labada dhinac oo aan helnay.

Mowduucyada la xiriira