Dilka Axmed Mukhtaar ma joojin doonaa quursiga guurka?
Quluubta dad badan oo Soomaali ah waxaa qabsaday dilkii arxan darrada ahaa ee loo gaystay marxuum Axmed Mukhtaar Saalax.
Arrintan ayaa dhalisay in dadka isticmaala baraha bulshada ay aad ugu falanqeeyaan dilka quursiga ku salaysan ee lagula kacay marxuumka.
Dhiirrigalinta guurka dadka la quursado
Baraha bulshada waxaa ka bilawday olole wacyigelin ah oo lagu dhiirigalinayo guurka dadka la takooro.
Dadka ayaa sameeya dhiirigelin ah in quursiga guurka hal meel looga soo wada jeedsado, hormuudna loo noqdo bulsho wada siman.
Calool xumadii dadku dareemeen caawimaad ayey ku dareen
Olole lagu caawinayo qoyskii uu marxuumka ka tagay oo ay hurmuud ka yihiin "Somalifaces" ayaa baraha bulshada ka bilaabay olole ay ugu magac dareen kuligeen waynu simannahay, taasi oo aad looga falceliyey.
Maryam Qaasim oo horay u ahayd wasiir ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa barta Twitter-ka ku taageertay ol'olahan kuligeen waynu simannahay.
Somalifaces oo la kulantay qoyska ayaa sameysay hab ay dadka ugu deeqi karaan dhaqaale qoyskan.
"Murugada iigu xanuunka badan, hadda waa sidii aan ugu sharixi lahaa carruurtayda in abahood loo dilay sababtoo ah qabiilka ay ka dhasheen awgeed, iyaguna halistaas ku jiraan marka ay qaangaaraan" ayey marwada marxuumka ka dhintay u sheegtay Somalifaces.
Nin aragga la' oo hadana guursaday in ka badan 20 xaas
Muxuu eersaday Axmed?
Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa BBC u sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka iyo gabadh u dhalatay beel ka mid ah beelaha Muqdisho dega.
"Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go'aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaas oo bam gacmeed adeegsaday" ayuu yiri Nuur.
Wuxuu intaa ku daray in la xiray dadkii falka lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed, laakinse "odayaashii dhinaca abtiyaasha" ay wacad ku mareen in "tallaabo ficil ah ay ka qaadi doonaan xarigaas."
Tallaabadaas ayuu sheegay in ay noqotay in weerar lagu qaado Axmed Mukhtaar Saalax oo ay weeraraan "dad gaaraya 15 qof, kuwaas oo ku hubaysnaa mindiyo, baangado iyo eebooyin" ayuu yiri.
Xigashada Sawirka, DALSAN TV
Dadkii isugu soo baxay bannaanka guriga
Wuxuu intaa raaciyey in "baasiin lagu shubay, ka dibna la gubay". Laakiin ma cadda in markii uu dhintay meydkiisa la gubay, ama isagoo nool dab la qabadsiiyey.
Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.