Musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee maamulka Koonfur Galbeed maxay uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Musharaxnimada Hogaamiyihii Al Shabaab ee maamulka Koonfur Galbeed maxay uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya?

Shalay ayey aheyd markii uu hogaamiyihii hore uga tirsanaan jiray Xarakada Al-Shabab, Mukhtaar Roobow, uu shaaciyay in uu u tartamayo madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, taas oo doorashadeeda la qaban doono bisha foodda inagu soo haysa.

Mukhtaar Roobow ayaa isaga baxay Al-Shabab sanadku markuu ahaa 2012, hasayeeshee waxaa uu dowladda Soomaaliya isu soo dhiibay bishii Agoosto ee sanaddii aannu ka soo gudubnay.

Haddaba musharaxnimada Mukhtaar Roobow maxay uga dhigan tahay siyaasadda Soomaaliya? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaa waxaannu hordhigay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo studio-yaheenna Nairobi ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.