Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada Mareykanka sugayana in dib loogu celiyo dalkoodii hooyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada Mareykanka sugayana in dib loogu cel

Waxaa la sheegayaa in xabsiyada waddanka Mareykanka ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo sugaya in dib loogu celiyo wadankoodii Soomaaliya.

Dhalinyaradan ayaa isugu jirta qaar danbiyo ka galay waddanka Mareykanka oo sharcigii laga la noqday iyo qaar waddanka ku cusub oo si sharci-darro ah ku soo galay.

Maamulka Madaxwayne Trump, ayaa sida la sheegayo, waxa uu ku dhaqmayaa qorshe aan la cafiyayn qofka dambi ka gala dalkiisa iyo qof sharci-darro ku soo galayba.

Waxaa kale oo iyana la sheegayaa in iyana sharciga lagala noqonayo dadka danyarta ah ee cayrt qaata.

Haddaba si aannu xog badan umuurtaasi uga helno ayaa waxaannu wareysannay qareen Cabidwaaxid Sheekh Cismaan Qalinle, oo ku takhasusay sharciyada la xiriira dhinaca Socdaalka, wuxuuna ka shaqeeyay kiisas badan oo dhalinyaradaas ay ku lug leeyihiin, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, oo marka hore waydiiyay tirada dhalinyarada xiran.