Gabar iyo hooyadeed 16 sano kala maqnaa oo dib isu helay markii BBC ay baafisay

Fardowsa Xuseen oo 16 sano ka dib ay is heleen hooyadeed Muslimo Lahaanshaha sawirka ICRC
Image caption Fardowsa Xuseen oo 16 sano ka dib ay is heleen hooyadeed Muslimo

Labo qoys oo kala maqnaa 16 sano iyo 11 sano ayaa is helay ka dib markii ay iska dhageysteen barnaamijka Baafinta ee raadiyaha BBC Somali, balse waxaa cajiib ah dareenka ay muujiyeen iyo sida ay isku garteen.

Hay'adda laanqeyrta cas ee Kenya iyo hay'adda bisha cas ee ka howlgasha Soomaaliya ayaa iska kaashaday iney isku xiriiriyaan qoysas in ka badan 10 sano kala maqnaa oo ku kala irdhoobay Soomaaliya iyo Kenya.

Labada hay'adood oo barnaamijyadooda ay qeyb ka tahay isku raadinta dadka kala lumay ayaa guushan ku gaaray barnaamijka baafinta ee ka baxa laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

"Halow!" waxaan ahay Fardowso, hooyo. Waan noolahay!"

Sidaas waxaa tiri Fardowsa Xuseen Raabax oo xilligaas wajigeeda ay ka muuqatay qiiro, indheheeduna ay ilmeynayeen.

Waxay markii ugu horreysay 16 sano ka dib la hadleysay hooyadeed Muslimo Maxamed Nuur oo ay kala lumeen.

Lahaanshaha sawirka ICRC
Image caption Fardowsa Illin ayaa soo dhaaftay markii ay maqashay codka hooyadeed

Hooyo Muslimo ayaa sidaas si la mid ah ula ilmeyneysay farxadda ay dareemneysay, maadaama ay gabadheeda dib u heshay.

Iyagoo hadda kala jooga magaalooyinka Mombasa iyo Muqdisho ayay ku wada hadlayeen khadka taleefanka, taasna waxaa u suurta galiyay howl wadeennada laanqeyrta cas iyo bisha cas oo dadaal ku bixiyay.

Fardowsa ayaa hooyadeed u sheegtay iney muddo 10 sano ah ku nooleyd xerada Qaxootiga ee Kakuma balse ay hadda ku sugantahay Mombasa.

Dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Muslimo oo gabadheeda heybineysay tan iyo markii ay kala lumeen - oo ay Fardowsa ahayd 17 sano jir- ayaa si wanaagsan uga wareysatay xaaladdeeda waxayna u sheegtay waxyaabihii is baddalay intii ay qoyska ka maqneyd.

"Ma maqashay inuu dhintay aabahaa? Sidoo kale ayeeydaa way dhimatay, ma maqashay? Ma isticmaashaa internet-ka"? dhammaan su'aalahaas ayay weydiisay waxayna u sheegtay iney ku faraxsan tahay la hadalkeeda, ayna mar walba la soo xiriiri doonto.

Waxay Muslimo sheegtay iney la ildarneyd xanuunno kala duwan oo uu ugu weynaa xanuunka ay u dareemeysay maqnaashaha gabadheeda awgiis.

Sheekada dhex martay Fardowsa iyo hooyadeed Muslimo ayaa ahayd mid aad iyo aad u qiiro badan oo qof walba ka ilmeysiineysa, waxayna astaan u tahay sida ay caloolyowga ugu nool yihiin xubnaha qoysaska ee waayuhu ay kala lumiyeen.

Gabadhan muddada 16-ka sano ah dareemeysay cidlada, waxay hooyadeed u sheegtay iney dhashay 4 carruur ah oo isugu jira 2 wiil iyo 2 gabdhood, hase ahaatee mid ka mid ah wiilasheeda uu ka dhintay.

Lahaanshaha sawirka ICRC
Image caption Muddadii ay reerka ka maqnayd Fardowsa hooyo ayey noqotay

Iyadoo 17 sano jirta ayay Fardowsa ka carartay colaadda Soomaaliya, markaas wixii ka dambeeyayna waxay weysay xiriirka waalidkeeda iyo dhammaan qoyskeeda.

Intii uu socday wadahadalka taleefanka ayay Muslimo weydiisay gabadheeda inuu qorshaha ugu jiro safar magaalada Muqdisho ah, iyadoo quud-darreyneysa sidii ay mar uun gabadheeda dib ugu arki lahayd si toos ah.

Marka ay su'aashaas weydiineysay waxaa laga dareemi karay sida weyn ee ay ugu hilowday gabadheeda wakhtiga dheer ka maqneyd.

Dib u soo celinta xiriirka qoysaska

Muslimo waxay magaceeda ka maqashay barnaamijka baafinta ee ka baxa raadiyaha BBC Soomaali, kaasoo lagu raadiyo dadka kala maqan.

Ka dib, waxay xiriir la soo sameysay hay'adda bisha cas ee Soomaaliya, taasoo iyadoo kaashaneysa hay'adda laanqeyrta cas ee Kenya suurta galisay iney si toos ah isula hadlaan isuna aqoonsadaan.

Howl wadeennada labada hay'adood ayaa muuqaallo ka sameeyay marka ay wada hadlayeen iyagoo ku kala sugan Mombasa iyo Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha samafalka ah ee la isugu xiriiriyo qoysaska, waxaana maal galiya hay'adda caalamiga ah ee laanqeyrta cas oo magaceeda loo soo gaabiyo (ICRC) iyo waliba hay'adaha qaran ee u qaabilsan dalalka kala duwan.

Lahaanshaha sawirka ICRC
Image caption Muslimo waxay 16 sano baadigoobaysay gabadheeda

Dadka ayaa hay'adahan u soo gudbiya liisaska shakhsiyaadka ay raadinayaan waxayna codsadaan in looga baafiyo raadiyaha.

Kumannaan codsi oo la mid ah midkaas ayaa la sameeyaa, si loo gaarsiiyo dadka ku sugan guud ahaan caalamka, isla markaana gacan looga geysto iney dib xiriirka u kala helaan shakhsiyaadka iyo qoysaska kala maqan.

Codsiyadaas ayaa iyagoo baafin ah laga sii daayaa raadiyaha BBC, waxaana laga dhageystaa Soomaaliya iyo qeybaha kale ee caalamka.

Barnaamijyo kale oo internetka looguu tala galay ayaa sidoo kale looga baafiyaa meelo ka mid ah qaaradda Yurub.

Nasiib darro, qaar ka mid ah codsiyadaas ayaan laga soo jawaabin sannado badan, balse mararka qaarkood waxay ku soo afjarmaan si farxad leh, sida tan Muslimo iyo gabadheeda Fardowsa.

Raadin kale oo soo idlaatay ka dib markii ay socotay 11 sano

Qoys kale oo ku nool xerada Kakuma ee dalka Kenya ayey u suurta gashay iney dib u helaan gabadhooda oo ka maqneyd muddo ka badan 10 sano.

"Ma xasuusto wax ku saabsan hooyadey iyo aabahay toona"

Erayadaas waxay ka mid ahaayeen hadalladii Sowda Cabdi oo qoyskeeda ay ugu dambeysay 11 sano ka hor, xilligaasoo ay jirtay saddex sano oo kaliya.

Lahaanshaha sawirka ICRC
Image caption Sawda oo ilmaynaysa markii ay hooyadeed telefoonka kula hadashay

Waxay reerkeeda waayeen xilli uu dagaal ka socday magaalada Muqdisho, balse hadda ayay dib u wada hadleen iyadoo 14 sano jir ah.

Nasiib darro, arrimahaan oo kale waxay caan ka yihiin dhammaan dalalka ay dagaallada hareeyeen ee caalamka.

Cunugaagii ma nool yahay? Waligaa ma laga yaabaa inaad heshid cunugaaga?

Kuwani waa su'aalaha ugu badan ee ku soo noq-noqda maskaxda waalidiinta carruurtooda ku waaya meelaha ay colaadaha ka socdaan.

Markii ugu horreysay muddo 11 sano ah, Sowda waxaa u suurta gashay iney la hadasho hooyadeed, aabaheed, walaalkeed iyo walaasheed.

"Magaceygu waa Sowda, Sowda Cabdi. Waxaa la ii sheegay hooyadey in la yiraahdo Xaawo Xasan, ma garanayo iyada, adigu Xaawo Xasan miyaa tahay?.

Su'aashaas ayay weydiisay hooyadeed, isla markii ay taleefanka kala hadashayba.

Xaawo oo ay gabadheeda ugu dambeysay sannadkii 2007 ayaa u muuqatay iney caloolyow dartiis codka uga xabeebsan tahay, iyadoo mar walbana iska tireysay ilmada ka qubaneysay indhaheeda.

Sowda oo hadda ku nool Muqdisho ayaa hooyadeed uga sheekeysay in markii ay luntay ka dib ay qaadatay haweeney u korsatay sidii cunug ay iyada dhashay oo kale.

Lahaanshaha sawirka ICRC
Image caption Xaawa intii ay la hadlaysay gabadheeda Sawda way ilmaynaysay

Ma aysan ogaanin iney hooyo kale leedahay ilaa goor dhow ay haweeneydii soo korsatay ka geeriyootay.

Dadka dariska ah ayaa u sheegay in ay leedahay hooyo iyo aabe kale.

Ka dib waxay ku wareejiyeen adeerkeed oo magaalada Muqdisho ku nool, kaasoo ay heleen iyagoo ku heybinaya qabiil ahaan.

"Waxaan garanayay qoyskan oo kaliya, kama warqabin iney jiraan qoys kale oo aan ka dhashay" ayay tiri iyadoo aad u ooyeysa.

Dhanka kale ee qadka taleefanka waxaa ku jirtay hooyadeed oo ku sugan Kaakuma, sidaas si la mid ah ayeyna u qiireysneyd, maadaama ay heshay gabadheeda.

Waxay u sheegtay in adeerkeed uu xaqiijiyay iney tahay gabadhooda.

Aabeheed iyo walaalkeed ayaa markaas sugi kari la'aa iney taleefanka qabsadaan, si ay Sowda codkeeda u maqlaan.

Dhammaantood waxaa laga dareemayay farxad baaxad leh iyo iney riyo moodayeen waxa dhacayay.

Carruurta waalidkood uga luma colaadaha awgood

Sowda adeerkeed ayaa codsi baafin ah u gudbiyey hay'adda bisha cas, isagoo ku qoray magacyada xubnaha qoyskeeda, waxaana si toos ah looga sii daayay barnaamijka baafinta ee BBC Somali.

Walaakeed oo ku sugan xerada Qaxootiga Kakuma ayay u suurta gashay inuu magacyada la baafinayay ka maqlo raadiyaha, halkaasoo uu ka ogaaday macluumaadka.

Laanqeyrta cas ee Kenya iyo bisha Cas Soomaaliya ayaa ka shaqeeyay iney khadka taleefanka ku wada hadashiiyaan gabadha iyo qoyskeeda.

Sowda ayaa cod qiiro leh hooyadeed uga codsatay in ay u baahan tahay aragtideeda.

"Aniga adeer ma rabo, waxaan rabaa hooyo iyo aabe. Waxaan doonayaa in agtaada la i geeyo, hooyo" ayay tiri iyadoo ilmeyneysa.

Mar wax laga weydiiyay dareenkeeda ayey sheegtay iney aad u faraxsan tahay oo ay hooyadeed u baahan tahay.

Carruurta sida Sowda oo kale ah, oo waalidiintood uga lumay colaadaha awgood, aad ayey u fara badan yihiin.

Mowduucyada la xiriira