Wafdigii Jabuuti ee ka qeybgalay shirweynihii saaxiibada caalamka ee Somaliland oo inoo warramay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wafdigii Jabuuti ee ka qeybgalay shirweynihii saaxiibada caalamka ee Somaliland oo inoo warramay

Magaalada Hargeysa, xubno ka socda baarlammaanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha guddi-hoosaadka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin ayaa ka waramay aragtidooda shirweynihii saaxiibada caalamka ee somaliland oo ay ka qayb galeen.

Sidoo kale wafdigu waxa uu ka warramay faa'iidada dalalka Geeska Afrika ugu jirta is-dhex galka iyo iyo shirarka lagu kulmo, iyo xidhiidhka labada baarlamaan ee Jabuuti iyo Somaliland .

Haddaba weriyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wareystay gudoomiyaha wafdiga ka socday baarlammaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin.