Heshiis Muqdisho ka dhacay oo Soomaaliya loogu deeqay Malaayiin Yuuro

Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka midowga Yurub u gaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga Neven Mimica Lahaanshaha sawirka EU
Image caption Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka midowga Yurub u gaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga Neven Mimica

Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta magaalada Muqdiso ku kala saxiixday heshiis taageero lacageed oo dhan €100 million looga tala galay miisaaniyadda dowladda in lagu kabo labaada sana iyo barka soo socda.

Heshiiska oo ay qalinka ku duugeen Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka midowga Yurub u gaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga Neven Mimica.

Heshiiska kaddib waxay labada mas'uul ay qabteen warsaxafadeed ayaa waxay sheegeen in lacagtaasi wax looga qabanayo dhisitaanka heykalka Dowladeed ee ku dhisan Nidaamka Federaalka.

Heshiiskan taageerada lacageed ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya xuseyso sanad guuradi koobaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara kaasi oo ay ku dhinteen 500 qof.

Lahaanshaha sawirka Villa Somalia
Image caption Astaanta Midowga Yurub

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta, Neven Mimica, ayaa sheegay "Maanta Soomaaliya iney barooraneyso. Midowga Yurub wuxuu xushmad iyo ixtiraamba uu u hayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda.

"Si dadki waxyeellada ka soo gaartay qaraxaasi loo xusuustana waa in aan yeelnaa geesinimo waxaanna go'aansannay inaan Soomaaliya dhaqaale ku caawinno si ay dowladnimadeeda u sii adkaato"

Taageeradan koobanna waa ficil muujinaya kalsoonida midowga Yurub uu u hayo Soomaaliya si ay dowladda hay'adaheeda ay dib ugu soo dhisto oo ay bulshada u siiyaan adeeggi ay uga baahnaayeen.

Taageerada lacageed ee maanta Muqdisho ku kala saxiixdeen Midowga Yurub iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhan 100 milyan oo Yuuro, waxaa heshiiska qalinka ku duugay Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka midowga Yurub u gaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga.

98 milyan oo lacagtaasi ka mid ah si toos ah waxaa looga kabayaa miisaaniyadda dowladda dhexe halka 8 milyan ee soo hartayna kobcinta awoodda hay'adaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada wax looga qabanayo.

Stefano Manservisi, wuxuu sida oo kale uu magaalada muqdisho uu kula kulmay madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdulahi Farmajo.

Mowduucyada la xiriira