Dhismayaasha Muqdisho ma iska xajin karaan qaraxyada waaweyn?

Guriga Soobbe waa kuwa yar ee u adkaysiga badan qaraxyada waaweyn
Image caption Guriga Soobbe waa kuwa yar ee u adkaysiga badan qaraxyada waaweyn

Shalay waxaa magaalada Muqdisho laga xusay sannad guuradii koowaad ee qarixii Soobbe ee 14-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof, qasaare kale oo intaas ka badana uu ka dhashay oo naf iyo maalba leh.

BBC-da oo wadday taxane looga hadlayo qaraxaas iyo qasaarihii uu geystay ayaa waxa ay hadda qormadan ku eegeysaa qasaaraha ka dhashay guryaha iyo dhismayaasha aanan loo dhisin tayadii loo baahnaa ee u adkaysan lahaa qaraxa intaas la'eg sida uu yahay shuruucda caalamiga ah.

Dhismaha Soobbe laftiisa

Dhismaha kaliya ee aanan qeyb ka dumin, xitaa aanan meelna ka dilaacin waa daarta Soobbe, oo loogu magacdaray siyaasigii caanka ahaa ee reer Baydhabo ee Cabdiqaadir Soobbe.

Sida aad sawiradda ka arki kartaan ama aad goobjoogba u ahaydeen, inta baddan dhismayaashii ka ag dhowaa qasaare laxaad leh ayaa soo gaaray, halka qaarkood ay gebi ahaanba dhulka galeen.

Mahadhooyinka qarixii Soobbe iyo Uur ku taalada Taabit Cabdi

Yaa ka dambeeyay qarixii Soobe?

14 Oktoobar: Xuska dadkii ku dhintay qaraxii Soobbe

Dadkii 14-kii oktoobar qaraxa ka badbaaday, goobtana ku sugnaa waxaa ka mid ahaa C/laahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan ururada bulshada rayidka, "muddo 20 sanno ayaan degenaa dhismaha Soobbe, oo aan xafiis ku lahaa, sannad kasta waxaa laga dayactiri jiray halka tiirarka shubka ah ay ku yaalaan, anaga waan dhalliili jirnay, waxaanan dhihi jirnay gurigan Talyaani ayaa dhisay, sidee u dhici kartaa in sannad kasta la dayactiro, balse markii uu qaraxa nagu qabsaday ayaan ogaanay tayadiisa dhabta ah" ayuu yiri Shirwac.

Waxa uu qirey in ay ugu wacantahay dhidibada sida fiican loogu aasay guriga, iyo asaaskiisa oo adag, tiirashiisa oo shub ah, iyo waliba nooca birta la isticmaalay "Waxaanan ka ahayn daaqadihii muraayadda, ma jiro qasaare kale oo soo gaaray gurigan, xitaa dilaac ma uusan soo gaarin" ayuu yiri Shirwac.

"Waxaan ogaanay dhammaan guryihii la dhisay illaa 1980-kii iyo wixii ka horeeyay ay ka adagyihiin kuwa dhawaanahan la dhisay, tusaale guriga Soobbe waxaa kasoo horjeeda gurigii Danwadaagaha, qaraxa ma uusan dumin marka darbiga laga tago, hadda ka hor gurigii Hargaha iyo Saamaha ayuu qarax ka dhacay, sidaasi si la mid ah, marka waxaa muuqanaysa in tayada dhismayaasha ay wax weyn ka tari karaan in ay dadka gudaha ugu jira badbaadaan marka ay masiibooyinka dhacaan.

Kaalinta Dowladda Hoose

Image caption Guriga Danwadaagaha

Caadi ahaan dowladaha hoose ee adduunka waxaa shaqadooda ka mid ah in ay illaaliyaan tayada dhismayaasha laga dhisayo magaaladaas, waxaa jira tayo dhawr, iyo waliba sannado loogu talogalay in uu gurigaasi dhisnaado, taas oo wixii ka dambeeya qofka mulkiilaha uu ku qasbanyahay in uu guriga dumiyo xitaa haddii uu weli taaganyahay.

Arrintan waxa ay qeyb ka tahay badbaadada iyo nabadgelyada dadweynaha , taas oo looga diyaargaroobayo masiibooyinka sida dhulgariirada , duufaanada iyo weliba daadadka.

Dhawaan dowladda hoose ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa la burburiyay dhismayaal tiro badan oo qaarkood ahaa kuwa ku fadhiya boqolaal milyan oo doolar, sababtuna waxa ay ahayd in guryahaasi laga dhisay meel webiga jiinkiisa ah, ciidduna ay nugushahay, suurtagalna ay tahay in webiga hoosta uga soo muuso, kadibna dhismaha burburo, qasaare nafeedna uu ka dhasho.

Lahaanshaha sawirka PETER MWAI/BBC
Image caption Guri weyn oo Nairobi ku yaala oo Cagaf Cagaf la galiyay 10 August 2018

"Aniga waxaan oran karaa magaalada Muqdisho nafta waa raqiis, la'ismana weeydiiyo, Injineer Yariisoow waa saaxiibkay, waxaanse u sheegayaa in ay mas'uuliyadiisa tahay in uu ka warqabo tayada dhismayaasha, guddina u saaro" ayuu yiri Prof Cabdullaahi Shirwac.

Agaasimaha hawlaha guud ee gobolka Banaadir Cabdifataax Xalane oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax hab-raac sharci ah oo hadda u degen maamulka dowladda hoose oo lagu hubin karo tayada dhismayaasha, balse wuxuu qirey in ay jirto baahidaas, lana wadaagi doonaan guddoonka.

"Arrintan waxa ay xitaa ceeb ku tahay injineerada Soomaaliyeed, iyo ganacsatada oo hantidooda iyo naftoodaba halis galinaya, anaga ka maamul ahaane dadaalkeena waan galinaynaa in kaalinteena aan qaadano" ayuu yiri agaasime Cabdifataax.

Adeegyada kaliya ee hadda dowladda hoose bixisa ayaa ah in qofka la siiyo ruqsaddii uu guriga ku dhisan lahaa haddii uu heysto waraaqdii lahaanshaha dhulka oo rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee dowladda iyo bulshada rayidkaba waa isku raacsanyihiin muhiimadda ay leedahay in dhismayaasha la tayeeyo, loona diyaariyo hab u adkaysan kara musiibooyinka.

Shuruucda kale ee dhismayaasha

Image caption Qeyb ka mid ah guryihii burbure

Marka laga tago hab dhismeedka guriga, waxaa jira shuruuc kale oo ay adduunyada kale qasab tahay in la fuliyo, waxaana ka mid ah in guri kasta uu leeyahay haamaha dab-damiska haddii uu dab koco.

In uu leeyahay meelo laga boxo ama dadka laga badbaadiyo. Sidoo kale hab ay tahay in korontada loo galiyo si uusan uga dhalan shil.

Mowduucyada la xiriira