Mamnuucista Mooto Bajaajta ma xalka ugu fiican baa?

Bajaaj
Image caption Bajaaj

Alaabaha koontarabaanka ah ee mamnuuca ka ah in laga soo dajiyo dekada weyn ee magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah gaadiidka mooto Bajaajta oo ah kan loogu isticmaalka badanyahay ee caasimadda.

Kaliyana ma ahan dekada, xitaa waddooyinka magaalada soo gala lagama soo galin karo bajaajta, sida uu amar kusoo saaray maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa laga hor tagayaa in xitaa haddii dekadaha kale ee dalka sida Kismaayo iyo Boosaaso laga soo dajiyo, aanan lasoo galin karin magaalada Muqdisho.

Maamulka Banaadir waxa uu sheegay in cabasho bulshada iyo ciidanka ka timid awgeed ay u mamnuuceen bajaajta.

Bajaajta maxay bi'isay ?

Lahaanshaha sawirka Cali Aadan Muumin
Image caption Wariye Cali Aadan oo ku sugan xarunta taraafikada oo uu yaalo burburka bajaajta shilalka galay

Cali Aadan Muumin oo ah saxafi ka hawlgala magaalada Muqdisho, arrintana u kuurgalay ayaa sheegay in markii ay tageen xarunta taraafikada loo sheegay in bilihii dhawaa ay dhaceen wax ka badan 600 oo shilal bajaaj ah, ayna ku dhinteen wax ka badan 40 qof.

"Balse marka la eego kaalinta uu gaadiidkan kaga jiro nolosha dadka, jawaabta laga bixinayo arrintaas ma ahan mamnuucis, kumanaan dhallinyaro ayaa ku shaqaysta, waana gaadiidka ugu habboon ee ay dadweynaha raacaan, in xal kale la raadiyo mooyee, mamnuucista xal ma ahan" ayuu yiri Cali.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taksiilayaasha Garissa oo ku doodaya in Bajaajleyduay kala wareegeen shaqooyinkoodi

Bajaajta waxa ay gebi ahaanba mamnuuc ka tahay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, sababtuna waxaa lala xiriiriyay xagga amniga.

Sidaas oo ay tahay dekada Kismaayo waa laga soo dajiyaa bajaajta maadaamaa ay canshuurta ka raqiisantahay dalka intiisa kale, waxaana kadib lagu qaadaa gawaarida xamuulka oo lagu geeyaa dalka intiisa kale.

Bajaajta iyo bulshada

Markii ugu horeysay taariikhda gaadiidkan saddex lugoodka ah ee fudud waxaa lasoo saaray sannadkii 1940-kii, xilligaas oo warshadii ugu horeysay laga furey dalka Hindiya, waxaana soo saaray ganacsadihii caanka ahaa Jamnalal Bajaj, kaas oo sida muuqata loogu magacdaray Bajaajta.

intii u dhaxaysay 2012-kii iyo 2013-kii, Hindiya waxa ay dibedda u dhoofisay 480 kun oo xabbo, waxayna ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee uu ku tiirsanyahay dhaqaalaha Hindiya.

Magaalada Muqdisho oo kaliya waxaa la qiyaasaa in 10 kun oo Bajaaj ah ay ka shaqayso.

Dhallinyarada noloshooda ay ku tiirsantahay, kuna shaqaysta Bajaajta waxaa ka mid ah Cusmaan Maxamed Dhoore oo BBC-da la hadlay maanta "Muddo 4 sanno ayaan ku shaqaysanayay Bajaajta, waxaan ka biilaa reerka hooyadey iyo aniga reerkayga, mamnuucista lasoo rogeyna dhib aad u weyn ayay nagu tahay".

Cusmaan ayaa intaas ku daray in uu garanayo boqolaal dhallinyaro ah oo horey shaqo la'aan u ahaa, balse maanta rajada kaliya ee ay hayaan ay tahay Bajaajta, kuwaas oo haddii ay waayaan dakhli xitaa dhibaato ku noqon kara amniga.

"Xalka ma ahan in la mamnuuco bajaajta, aniga tan haddii ay iga duugoowdo, oo aan mid kale soo iibsan kari waayo, waa dhibaato aanan la qiyaasi karin aniga iyo reerkayga, marka maamulka hala yimaadaan xal aanan ahayn mamnuucis"" ayuu yiri Cusmaan oo sheegay in bil kasta isaga laga qaado $15 doolar, aysana jirin wax adeeg ah oo ay dowladda u qabato.

Marka laga tago dadka ay noloshooda ku tiirsantahay, boqolaal kun oo qof oo kale ayaa maalin kasta gaadiid ahaan u adeegsada Bajaajta, gaar ahaan xilligan oo ay badantahay in waddooyinka waaweyn la xiro, gaadiidka caadiga ah ee dadweynahana aysan meelaha qaar mari karin.

Saxafi Cali Aadan Muumin iyo Cusmaan labaduba waxa ay isku raacsanyihiin in ay jiri karaan xal aanan mamnuucista ahayn oo lagu maareyn karo dhibaatooyinka laga sheeganayo Bajaajta oo ay ka mid tahay saxmadda waddooyinka iyo shilalka. "Waxaan qabaa in wada tashi dadweyne laga sameeyo arrinka bajaajta, kadib xal wanaagsan waa la helayaa waa haddii la fulin karo waxyaabaha kasoo baxa wada tashigaas" ayuu kusoo gabogabeeyay Cusmaan.

Mowduucyada la xiriira