Magaalo ay adag tahay in maydadka Soomaalida loo helo meel lagu xabaalo

Dhulka oo dadka ku yar dartiis ayaa waxaa gabaabsi ah xabaalaha
Image caption Dhulka oo dadka ku yar dartiis ayaa waxaa gabaabsi ah xabaalaha

Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 7 milyan oo qof ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka dadka soomaaliyeed ay u raadsadaan adeegyada dhanka caafimaadka.

Dadka u raadsada adeegyada caafimaad oo ah kuwo inta badan aanan ku qancin adeegyada ay ka helaan dalalka ay ku nool yihiin, iyo kuwa xaaladooda wax looga qaban waayay geeska Afrika, ayaa waxaa ay miciin bidaan dalal ay ka mid tahay Hindiya, oo qiima ahaan iyo taya ahaanba ay sheegeen inay ka jaban tahay.

Weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato oo dhawaan safar shaqo ku tegay Hyderabad ayaa halkaasi waxaa uu kula kulmay Dr. Sikandar oo maamule ka ah mid ka mid ah isbitaalada sida gaarka loo leeyahay, ayna tagaan soomaalida.

Wuxuu sheegay in inta badan bukaanada soomaalida ay yimaadaan Hindiya marka ay xaaladoodu faraha ka baxdo, dedaal walba oo ay sameeyaanna aysan wax soo kordhinayn.

''Dadka bukaannada ah ee inoo yimaada intooda badan waxay qabaan xanuuno ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca wadnaha, neerfaha ama dareenwadka, maskaxda, inta badan bukaannada qaba kansarka, balse waxa ay yimaadaan xilli aanan waxba laga qaabn karin'' waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Dr Sikandar.

Image caption Dr Sikandar wuxuu sheegayaa in dadka loo keeno ay u badan yihiin kuwo xanuunnadooda ay meel xun gaareen

Dr Sikandar ayaa sidoo kale sheegay in bukaanada qaar ay halkan u yimaadaan xanuuno basiid ah oo ay kamid tahay gaaska iyo isku furanka haweenka, kuwaasoo wax looga qaban karo dalalka ay joogaan.

Hase yeeshee caqabadda ugu weyn ee ka taagan Hyderabad ayaa waxaa ay tahay xabaalaha lagu aaso dadka halkaasi ku geeriyooda.

Hyderabad oo ah magaalo aad u ciriiri badan, helidda dhulkana ay tahay mid gabaabsi ah ayaa taasi waxaa ay mixnad kale ku noqotay ehelada dadka halkaasi ku geeriyooda.

Dadka qaar ayaa si ay u helaan xabaal ay ku aasaan eheladooda waxaa ay ku bixiyaan qarash aad u badan, halka kuwa kalena ay ku qasbanadaan inay meydka dib ugu soo celiyaan deegaanadooda.

Image caption Mid ka mid ah isbitaallada ay Soomaalidu tagaan ee Hindia

Jaaliyadda soomaalida ee dalka Hindiya ayaa waxaa ay sheegeen in caqabad weyn ay ka haysato xabaalaha lagu aaso dadka Hyderabad ku geeriyooda, haatanna ay ka fakarayaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaasi.

''Waxaa dadka soomaalida dhaqan u noqotay in qofka Hindiya la keeno iyadoon xaaladiisa waxba laga qaban karin, Waxaana adag in qofka halkan ku geeriyooda loo helo meel lagu aaso, kuwa loo helana laga bixiyo kharash aad u badan, sababo la xiriira dhulka oo gabaabsi ah, waxaana jira dadaalo ay wadaan jaaliyadda soomaalida oo ku aadan xal u helida arrintan'' sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Mustafe Cali oo kamid ah jaaliyadda soomaalida ee Hindiya.

Marka la eego tirada dadka Soomaalida ee ay ku dhacayaan xanuunada dilaaga ah, iyo qiimaha adeegyada caafimmaadka ee bariga Afrika oo intooda badan anaay awoodin ayaa taasi waxa ay ka dhigan tahay in sannado badan daryeel caafimmaad loo doonan doono dalal ay ka mid tahay Hindiya.

Mowduucyada la xiriira