Golaha ammaanka oo ka baaran dagaya warbixin laga soo saaray xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya

Waxyaabaha ay guddiga (SEMG) ay la socdaan waxaa kamid ah xakamaynta dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxyaabaha ay guddiga (SEMG) la socdaan waxaa kamid ah xakamaynta dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya

Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa yeeshay wada xaajood aan rasmi ahayn oo ay ku eegayaan warbixinadii ugu dambeeyay ay guddiga soo saareen.

Guddiga ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowladda federaalka ee Soomaaliya ee ah sida ay ugu hoggaansatay inay qayb kamid ah la qaado xayiraadda hubka isla markaasna ay ugu baaqday inay si ambaqaado tallaabadan.

Guddigan dusha kala socdo xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya ee (SEMG) ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay kala shaqayso xiririika kala dhexeeyo guddiga si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, xakamaynta dhoofinta dhuxusha iyo hubka.

Waxay sidoo kale sheegeen in xayiraadda hubka ay ka qayb qaadatay xaddidaada hubkii gacanta u geliyay ururka Al Shabaab.

Gobolkee ka timid dhuxushii laga dhoofiyey Soomaaliya?

Maxaa laga filan karaa shirweynaha dhuxusha ee Muqdisho ka furmay?

Amakaag: Maroodi afka qiiq ka sii daynaya!

Guddiga Qaramada Midoobay ee xaaladaha Soomaaliya waxay soo dhaweeyeen horumarada siyaasadeed ee laga gaaray geeska Afrika oo uu garwadeenka ka yahay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin dadaallada dib usoo celinta xiriirkii diblumaasiyaadeed ee Eritrea iyo Jabuuti, waxayna ugu baaqeen inay sii wadaan wadahadallo wax tar leh.

Warbixinta kama dambaysta ah ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa la filaya in loo gudbiyo golaha ammaanka 8 bisha Nofembar.

Guddiga SEMG ayaa la socdaa xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea oo ay kamid yihiin baaritaanada xayiraadda hubka,xakamaynta dhuxusha, dhaqaalaha iyo hawada.

Mowduucyada la xiriira