Muusa Biixi oo ka hadlay dagaal beeleedka ka taagan deegaanno hoostago gobolka Sool
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muuse Biixi oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Sool

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisa , guurtida , madax dhaqameedka , iyo culimaa'udiinka somaliland ay gelayaan olole xooggan oo lagu joojinaayo colaadda labada beelood ku dhexmartay koonfurta magaalada laascaanood oo dad badan ay ku dhinteen .

Wuxuu madaxweyne Biixi sheegay inay soo dhaweynayaan qof kasta oo talo wax ku taraya iyo qof kasta oo gargaar wada iyo caalamkaba.

Madaxweynaha oo maanta sii sagootinayay tiradii ugu badneyd ee arday deeqo waxbarasho ka helay jaamicadaha dalka Itoobiya oo gaaraya 370 arday, wuxuu u waramay markii danbe weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo goob joog ahaa .

Wuxuuna marka hore weydiiyay tallaabooyinka ay ka qaadeen oo ku aadan joojinta colaada labada beelood ee koonfurta magaalada Laascaanood.