Muqdisho waxaa ka furmay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya(OIC)

Ma'suuliyiinta ka qeyb galeysay shirka iskaashiga islaamka ka furmay Muqdisho
Image caption Ma'suuliyiinta ka qeyb galeysay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC, ee ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay markii ugu horreysay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC, waxaana ka qeyb galay qaar kamid ah wasiirada arrimaha dibadda iyo wakiilo matalayo dalalka xubinta ka ah ururkan.

Waxyaabaha looga hadlayo shirka waxaa kamid ah dardargelinta xasiiloonida iyo nabadda dalka Soomaaliya.

Dalalka ka tirsan ururka kooxda xiriirkaSoomaaliya ayaa ballan qaaday inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii loola dagaalami lahaa waxay ay ugu yeereen kooxaha argagixisada .

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo furay shirka OIC ayaa sheegay in shirkan uu albaabada u furi doono dalka Soomaaliya sidii uu ugu tallaabsan lahaa guulo hor leh isla markaasna dalalka xubinta ka ah ururkan ay garab istaagi doonaan.

Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?

Hawlgalka AMISOM oo wakhtigiisa la kordhiyey

Maxaa kasoo baxay shirkii amniga qaranka ee madaxda Soomaalida?

Image caption Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC.
Image caption Calamada dalalka OIC
Image caption Xubnihii ka qeyb galayay shirka OIC

Mowduucyada la xiriira