Mulkiilaha Leicester City oo diyaarad Helikobter ah shil ku galay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taageerayaasha Vichai waxay ka argagaxeen shilka diyaaradeed uu la kulmay

Vichai Srivaddhanaprabha diyaaradda Helicopter-ka ee uu lahaa waxay la soo dhacday waxyar un kaddib markii ay ka duushay garoonka xilli ay dhammaatay ciyaarta premier league ee ka socotay King Power Stadium.

Dad aad ugu dhaw qoyska Vichai waxay BBC-da u xaqiijiyeen diyaaraddaHelikobter-ka ee soo dhacday inuu saarnaa.

Nin shilka diyaaradda arkayeyna wuxuu sheegay inuu arkay Kasper Schmeichel oo u ciyaara kooxda Leicester City oo ku sii ordaya halka ay Vichai diyaaradda kula dhacday.

Balse weli lama ogaan diyaaradda inta qof ee saarneyd iyo sida ay wax u gaareen.

Ciyaarti dhex martay Leicester City iyo West Ham United ee ka socotay King Power Stadium waxay ku dhammaatay barbarro 1-1.

Maamulka Kooxda Leicester oo booliska iyo shaqaalaha gurmadka caawinaya waxay sheegeen in ay shilka diyradeed faahfaahin dheeraad ah ay ka soo saari doonaan.

Mr Srivaddhanaprabh inta uu kooxda Leicester City uu mulkiyey waxay kooxdu hantiday Koobka Premiere League sanadkii 2016-ka.

Image caption Taageerayaasha Leicester City oo ubax dhigaya garoonka King Power Stadium
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Leicester city oo sheegtay iney xaaladdu aad adagtahay

Wariye garoonka uga soo warramayey telefishiinka Sky Sports News Rob Dorsett , wuxuu sheegay diyaaradda markay kacday iyo markay soo dhacday inuu wakhti badan u dhaxeyn, qaabka ay u soo dhacdayna ay u ekeyd inuu duuliyaha diyaaradda uu xakameyn waayey oo ay cillad la soo deristay.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Mulkiilaha Leicester City wuxuu kooxdu iibsaday 2010-ka

Leo Bruka wuxuu Telefishiinka 5 Live uu u sheegay inuu arkayey diyaardda oo ku soo dhacday meel gawaarida la dhigto iyo qarax weyna uu ka dhacay halki ay diyaaradda ku dhacday.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taageerayaasha Leicester oo shilka ku tilmamay mid aad u xun

Taageerayaal Leicester City oo tira badan ayaa ku soo uruuray garoonkooda King Power Stadium iyaga oo dhigayey ubaxyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin shilka diyaaradeed ee ku dhacay mulkiilaha kooxda Vichai Srivaddhanaprabha.

Image caption Ubax dhigga Garoonka King Power Stadium ka socda
Lahaanshaha sawirka Pete White
Image caption Diyaaradda burburtay oo garoonka dhexdiisa ka duuleyso
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shaqaalaha gurmadka oo goobta diyaaradda ku dhacday ku socda

Wa kuma Vichai Srivaddhanaprabha?

Lahaanshaha sawirka Leicester City Football Club
Image caption Vichai Srivaddhanaprabha
  • Waa abbe afar carruur ah dhalay
  • Waa maal qabeen bilyan dheer ah isla markaana aasaasaha shirkadda King Power International
  • Wargeyska Forbes Magazine wuxuu Vichai uu ku tilmaamay inuu kalinta shanaad uu ka galayo liiska maalqabeennada dalkaasi Thailand
  • Kooxda Leicester City sanadki 2010-kii wuxuu ku iibsaday 39 milyan oo gini.
  • Inta uu Vichai Kooxda Leicester City uu iibsaday waxay kooxdu hanatay koobka Premier League 2016-ka.