Magaalada Cardiff: Ilmihii ugu miisaanka yaraa abid oo ku dhashay Ingiriiska

Hallie waxay labadiisa waalid ku tilmameen ilma si la yaab leh ku dhashay Lahaanshaha sawirka Family photograph
Image caption Hallie waxay labadiisa waalid ku tilmameen ilma si la yaab leh ku dhashay

Hooyada dhashay ilmahan yar ee ku dhashay magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska oo uu miisaankiisu yahay 500 oo garaam ay ku tilmaantay mid an horay loo arag ilma miisaan sidaa u yar ku dhasha isla-markaana nool.

Ilmaha yar waxaa dhalay Robyn Bryant iyo James Dury wuxuu ugu dhashay 28 usbuuc.

Xilligi ilmahan uu caloosha ku jiray oo lugahiisa iyo gacmihiisa ay dhakhaatiirtu cabbireen waxay sheegeen ilmahan inuu noqon doono mid ka yar ilmaha caadiga ah ee sida caafimaadka qaba u dhasha.

Waxaya dhakhaatiirtu sheegeen ilmuhu inuu sidan u yaraado ay dhici karto iney xiriir la leedahay hidda raaca waaliddiintii xagga aabba ama xagga hooyo.

Dhakhaatiirta la socotay xaaladda caafimaad ee haweeneyda dhashay ilmahan waxay sheegeen iney hooyada lafteeda dhibaatada caafimaad oo killiyaha u badan ay la soo daristay xilliga ay uurka ahayd taasina ay sababi karto iney miisaanka ilmaha hoos u dhigto.

Waxayna xilligaasi dhakhaatiirtu u sheegeen Robin oo 23 jir ah iyo James oo 27 jir oo ah labada waalid oo ilmahaasi dhalay inuu caloosha hooyadii uu ku dhiman doono 20 usbuuc markuu gaaro.

Nasiib wanaag, Robyn 28 usbuuc markay mareysay dhakhtarka ayay ku jirtay iyada oo ay xaalad caafimaad oo degdeg ah la soo dersitay.

"Hallie marka caloosha hooyadii uu ka soo baxayna waxay dhakhaatiirtu ogaadeen madheerta oo ilmaha nafaqada hooyadii uu ka qaadan lah iney sidi la rabay u shaqayneyn.

Lahaanshaha sawirka Family photograph
Image caption Robyn waxay leedahay ilmaheygu waa la yaab sida uu ku dhashay

"Waxayna sheegtay iney cidna fileyn iney neefsan doonto balse qayaasti iyo wixi aan ka haysannayba mid beeniso ayey noqotay oo noolal ayey ku dhalatay".

"Iney ooyeysana maanan fileyn, runti aad ayeyna u yartahay miisaan ahaan iyo jir ahaanba, moobaaylkeeyga gacanta wax badan kama weyneyn" ayey sii raacisay.

"Inkasta oo xoogha Oxygen ah lagu caawinayey haddana si iskeed ah ayey u neefsaneysaa" taa ayaa mucjiso kale nagu noqotay".

Lahaanshaha sawirka Family photograph
Image caption Runti aad ayey u yartahay miisaan ahan iyo jir ahaanba

"Waxayna sheegtay iney si gaar ah uga mahadcelineyso kooxda dhakhaatiirta caafimaadka ee la tacaaleysay caafimaadka iyada iyo ilmaheeda oo ugu horreyo Dr Conner iyo Dr Watermeyer".

Waxayna waaliddiinta ilmahasi sheegeen iney rajeeynayaa in ciidda miilaadiga ee soo socota wiilkooda miisaanka yar ee dunida ku sii biiray iney caafimaad kula ciidi doonaan.

Mowduucyada la xiriira