Ma dhaqankii hoggaamiye kooxeednimada ayaa Soomaaliya kusoo noqonaya?

Madaxda Soomaalida maxay isku fahmi la' yihiin?
Qoraalka sawirka,

Madaxda Soomaalida maxay isku fahmi la' yihiin?

Xifaaltanka u dhaxeeya masuuliyiinta ugu sareysa dowladda fadaraalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa bidhaamiyay waxyaabo badan.

Hoggaamiyayasha maamul goboleedyada ayaa qaarkood sheegay in madaxda dowladda ay farogelin cad ay ku hayaan arrimaha maamuladooda balse baaq wado hadal ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya usoo jeediyay markii afaraad ayeey ku kacan seyreen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa dhowaan waxaa laga soo xigtay haddalo dadka qaar ay ku sifeeyeen inay ahayeen kuwii ay ku hadli jireen hoggaamiyo kooxeedyada, isagoo fariin u diraayo madaxda dowladda fadaraalka ayuu yiri.

''Hadii maamul goboleedyada gaar ahaan Galmudug ay burburto, walahi in aan nabad la ahaaneynin'' ayuu yiri Xaaf.

Dhawaan ayaa sidoo kale lasoo sawiray Xaaf oo xiran dharka ciidamada, islamarkaasna booqanaya xero military oo ku taala magaalada Gaalkacayo.

Mar uu ka qeyb galaayay shir madaxda maamul goboledyada ay ku yeesheen magaalada Garowe ee gobolka Puntland ayuu madaxweyne Xaaf ayaa la weeydiiyay xalka wanaagsan "Xalka waxaa weeye dowlad dalka haloo dhiso', kadibna wariyihii ayaa weeydiiyay 'tan hadda dalka ka jirtaye sidee laga yeelayaa", wuxuuna ku jawaabay "Dowlad kama jirto dalka".

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay xadkooda ka gudbeen.

''Madaxda maamul goboleedyada waxay u dhaqmayaan sidii hogaamiyo kooxeed, taasina waxa keenaysa doorashada ku soo fooda leh, badankood waxay ku guuldareesteen inay wax ka qabtaan maamuladii ay madaxda u ahayeen'' ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA JUBBALAND

Qoraalka sawirka,

Axmed Madoobe

Dhanka kale Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirishiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo la hadlayay saraakiisha ciidamada ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay farogalin ku hayso maamul goboleedyada, wuxuuna ka digay in maamulkiisa ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii kusoo xad gudubta.

Cabdirishiid Janan ayaa saraakiisha ku yiri "Waxaan waddano bakoorado ma ahan", kadibna waxaa aad ugu guuxay saraakiisha oo fahmay duurxulkiisa ah in Jubbaland ay hubeysantahay.

Mar sii horeysay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa laga soo xigtay hadal aad u faafay oo ahaa "Waxaa la yiri hadda ka hor shabeel baa lagu yiri shabeeloow ilmahaaga geel ayaa ku istaagay, geel ma ahan ee waa ari ayuu yiri, waa la arki doonaa haddii Hirshabeele iyo Galmudug ari degenyahay waa la arki doonaa".

Halkuu ka soo bilowday khilaafka madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federalka?

Khilafka u dhaxeeya dowladda federalka iyo maamul goboledyada ayaa muddo dheer soo jiitamaayay, waxana uu soo jiray illaa xilligii dowladdii hore ee Xassan Sheekh Maxamuud, balse kan hadda ah waxa uu ka bilowday khilaafkii Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qadar kadib markii dowladda federaalka ay sheegtay in go'an dhexdhexaad ah ay ka qaadatay khilaafkaasi oo cidna aysan la safan, balse madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa sheegay inay Qadar la safatay waxayna sheegeen inaysan taasi iyaga iyo masaalixda Soomaalida aysan dan ugu jirin sidaasi darteedna ay ka soo hor jesteen go'anka ay dowladda qaadatay.

''Qadar anagu manaqaano, oo wax xiriir ah nagama dhaxeeyo, xiriir ganacsi xita inagama dhaxeeyo, dowladda Imaaraadkana waxay inoo dhisaysaa degeddena, in dhinac la raaco waa khalad'' ayuu horey u yiri Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Balse khilaafkan hada cusub ayaa salka ku haya in maamulada ay ka sheeganayaan in madaxda dowladda federaalka ay dooneeyso inay meesha ka saarto haananaan fedaraalka, ayna farogelin ku haayso maamuladooda.

Sabab kale oo sii kordhisay khilaafka labada dhinac ayaa lagu sheegay in ay yihiin waxyaabo ka baxsan gacanta Soomaaliya.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad waxa uu sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay dabada ka riixeyso dowladda kale.

''Beesha caalamka ayaa hoggaamiyayashan lacag ku bixinaayo, markii hore waxaa taageeri jiray xukumadii Itoobiya ka talineysay, madaama ay hadda xukuumadaasi jirin waxay noqdeen 'agoomo', doorasha ayaana ku soo socota oo mid walbo in meesha laga saaro ayuu ka baqaayaa, taasi ayaa keenysa inay si fool xun u dhaqdaan''.

Saansaanta in xaaladda aysan wanaagsanayn waxa ay ka muuqatay qodob ka mid ah go'aamadii kasoo baxay shirkii Garoowe, kaas oo maamul goboleedyada ay ku sheegeen in ay dhisanayaan ciidamo isku dhaf ah, kuwaas oo aanan la ogeyn waxa xilligan kusoo beegay iyo shaqada gaarka ah ee ay qabanayaan.

Islamarkii uu magaalada Kismaayo ku laabtay, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxa uu dhisay ciidamo cusub oo boqolaal gaaraya, kuwaas oo inta wajiga duubtay magaalada ka fuliyay hawlgal aan noociisa oo kale horey loo arag.

Dhanka dowladda federaalka weli ma jiraan haddalo kulkulul oo ka imanaya, cidda kaliya ee arrinkan ka hadlaysana waa madaxweynaha oo ku baaqaya wada hadal.

Qoraalka sawirka,

Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Koonfur Galbeed

Balse waxaa jira saansaan loo fasiran karo in dowladda aysan ahayn mid meel fadhida, waxaana tallaabooyinkooda ka mid ah waxyaabaha ay faafinayaan warbaahinta dhankooda u janjeerta ee mararka qaar loo arki karo ka badbadin, iyo xitaa dadka dhanka dowladda aad ugu dhow oo qalabka saxaafadda ka sheega haddalo laga dheehan karo fikradda madaxda dowladda ay qabi karaan.

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah la taliyeyaasha dowladda ayaa dhawaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku tilmaamay in ay u dhigmaan hoggaamiye kooxeedyadii hubeysnaa oo kale.

Balse doodaasi waxaa si cad uga hor iman kara in maamul goboleedyada ay samaysteen xisbi ay ku mideysanyihiin , taasoo tilmaameysa in illaa iyo xad ay diyaar u yihiin in dalka nidaam dimoqoraadi ah lagu dhaqo.

Sidaas oo ay tahay maamul goboleedyada qaar kama jiraan wax lagu tilmaami karo dimoqoraadiyad, waxaana aad u yar galaangalka ay yeelan karaan dadka ka afkaar duwan madaxda maamuladaas ee ku sugan deegaanada ay ka taliyaan.

Si kastaba ha ahaatee, bilaha soo socda ayaa dadka bari doona cashar muhiim ah oo ku saabsan dhanka ay wax u socdaan.