Burcad badeed Afduubatay shaqaale saarnaa Markab

. Lahaanshaha sawirka AFP

Koox Burcad badeed ah oo ka soo jeedda Nigeria oo afduub u geysatay shaqaale la socday Markab

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysay warbaahinta dowladda Poland ayaa shaacisay in burcad badeed reer Nigeria ah ay gacanta ku dhigeen 11 shaqaale ah oo u badnaa muwaadiniin u dhalatay Poland.

Burcadd badeedda ayaa markabkaasi fuushay xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha Nigeria, iyagoo afduubtay 11 ruux oo 8 ka mid ah ay u dhasheen Poland, kuwaasoo dhammaantood ka mid ah shaqaalaha markabka.

Wali lama oga dalalka ay u dhasheen 3-da ruux ee kale, has ahaatee burcad badeedda ayeysan u suurta galin iney guud ahaan markabka la wareegaan..

9 ruux oo kale ayaa ka badbaadday afduubka, iyagoo aan wax dhibaato ah la gaarsiin.

Maamulka shirkadda iska leh markabkan oo siday kunteenaro badeecooyin ah ayaa xaqiijiyay dhacdada.

Bayaan ay Axaddii soo saartay shirkadda leh markabka oo fadhigeedu yahay dalka Poland ayaa lagu sheegay in subaxnimadii Sabtida ahayd uu weerarkaasi dhacay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Markab Hindiya laga leeyahay oo xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Burcad badeed xeebaha Soomaaliya ku afduubay markab laga leeyahay Iran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhallinyaro loo haysto burcad-badeed oo la sheegay in ay dayacan yihiin

"Waxaan mudnaanta siineynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sii daayo 11-ka shaqaalaha ah, waxaana xiriir dhow la sameynay hay'adaha ay wada shaqeynta naga dhaxeyso iyo mas'uuliyiinta deegaanka, si ay arrintaasi u suurta gasho" ayaa lagu yiri bayaanka.

Shirkadda ayaa intaas ku dartay: "Qoysaska ay ka soo jeedaan shaqaalaha la afduubtay waxaa la gaarsiiyay macluumaadka la xiriira xaaladda".

Balse shirkadda markabka leh oo lagu magacaabo Midocean ayaa ka gaabsatay iney sharraxaaad ka bixiso dalalka ay ka soo kala jeedaan shaqaalaha la qafaashay.

Warbaahinta waddanka Poland oo soo xiganeysa wasiika arrimaha dibadda ee dalkaas Jacek Czaputowicz ayaa sheegtay in 8 ruux ay u dhasheen Poland.

Markabka la weeraray oo lagu magacaabo MV Pomerania Sky ayaa ku wajahnaa dekadda Onne ee dalka Nigeria.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Nigeria ayaa sheegay in isla markii dhacdada lagu soo wargaliyayba ay billaabeen howlgal isugu jira baaritaan, baadigoob iyo badbaadin.

Falalka afduubka ah iyo burcad badeednimada ayaa aad ugu badan dalka Nigeria, waxaana kooxaha hubeysan ay inta badan dalbadaan lacago madax furasho ah.

Mowduucyada la xiriira