Madaxweyne Trump oo qalad ka fahmay qofka ah muwaadhin Maraykan ah

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad cusub oo heley jinsiyadda Maraykan

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in isagoo adeegsanaya awooddiisa madaxweyne uu qorsheynayo sidii uu ku soo afjari lahaa "Xaqa uu qofka u leeyahay inuu muwaadin noqdo haddii uu ku dhasho Mareykanka". Miyuu sameyn karaa sidaas?

Wareysi uu siiyay warbaahinta Axios ayuu madaxweynuhu uga dhawaajiyay inuu muddooyinkan ku howlanaa sidii meesha looga saari lahaa in muwaadin lagu noqdo ku dhalashada Mareykanka, taasoo ah xeer Mareykanka uu ku soo dhaqmayay muddo 150 sano ah, oo dhigaya in qof walba oo ku dhasha gudaha Mareykanka uu xaq u leeyahay inuu noqdo muwaadin, xitaa haddii waalidiintiisa aysan jinsiyadda Mareykanka heysan.

"Mar walba waxaa la ii sheegi jiray inaad u baahantihiin isbaddal lagu sameeyo dastuurka, ma qiyaasi kartaa waxa uu yahay? Maya ma qiyaasi kartid" ayuu yiri Trump, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku sii daray: "Taas waxaa lagu sameyn karaa sharci ka soo baxa aqalka kongareeska. Laakiin hadda waxay leeyihiin waxaad sidaas ku sameyn kartaa amar madaxweyne".

Mr Trump ayaa wareysigiisa ku sheegay in amarka noocaas ah uu xilligan shaqeynayo.

Lahaanshaha sawirka Hulton Archive/Getty Images
Image caption Cutubka 14 aad ee dastuurka Maraykanka ayaa qeexaya muwaadhinimada Maraykanka, waxaana la ansixiyay 1868

Senetor-ka gobolka Koonfurta Carolina Lindsey Graham ayaa dhawaan bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: "Waxaan qorsheynayaa inaan soo bandhigo xeer ku saabsan arrimaha la xiriira amarka khaaska ah ee uu soo jeediyay madaxweynaha".

Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha ayaa abuuray dood ku saabsan inuu awood u leeyahay tallaabo ceynkaas ah iyo in kale.

Waxaa sidoo kale su'aalo la iska weydiiyay in waalidiinta qaxootiga ah ay carruurtooda xuquuq buuxda u leeyihiin jinsiyadda mareykanka, haddii ay ku dhashaan gudaha waddanka.

BBC-da ayaa arrimahan wax ka weydiisay Qareen lagu magacaabo Cabdiwaaxid Sheekh Cismaan, oo ku sugan gobolka Minasoota, kaasoo noo sheegay dadka ay tallaabadan saameynta ku yeelan karto.

"Labo qeybood oo ka mid ah dadka aan Mareykanka u dhalanin ayuu gaar u saameynayaa. Qeybta koowaad waa dadkii booqashada ku iman jiray Mareykanka, oo laga yaabo gabadhu iyadoo uur leh iney timaaddo, ka dibna ay ilmaha ku dhasho halkan oo ay iska laabato. Aad ayayna u badnaayeen dadka sidaas ku hela jinsiyadda, waxayna badankood ka yimaadaan dhinaca dalalka Aasiaya".

"Qeybta labaad ee ay arrintan saameyneyso waa dadka dagan Mareykanka, oo xitaa daganaanshaha heysta laakiin aan wali helin dhalashada. marka su'aashu waxay ka taagantahay dadka noocaas ah carruurta ay dhalaan xaq ma u leeyihiin in la siiyo dhalashada?".

Qareen Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale ka hadlay in madaxweynaha Mareykanka uu awood u leeyahay inuu baddalo sharci soo jireen ahaa oo Mareykanka looga soo dhaqmayay muddo 150 sano ah.

"Anigu qareen ahaan waxaan aad uga shaki qabaa in madaxweynuhu uu awood u leeyahay arrintaas, sababtoo ah dastuurka Mareykanka aad bay ugu caddahay in qofkii ku dhasha gudaha Mareykanka uu helayo dhalaasho uu ku noqonayo muwaadin Mareykan ah. Laakiin waxaa jira dad sharci yaqaan ah oo la safan garabka muxaafidka ee dowladda, kuwaasoo la qaba madaxweynaha inuu amarkaas wax uga baddali karo dastuurka ama aqalka Koongareeska uu dib u eegis ku sameyn karo. Hase ahaatee, aqlabiyadda dadka sharciga ku xeel dheer ee waddankan waxay qabaan in madaxweynihu uusan dastuurka ka heysanin awoodda intaas la eg ee uu ku baddalayo xeerkaasoo kale".

Lahaanshaha sawirka US National Archives
Image caption Wong Kim Ark waxa uu ku dhashay Maraykanka, balse mar uu ka tagay ayaa loo diiday in uu dib ugu laabto

Arrintan waxay ku xirantahay doorashada xilliga dhexe

6-da bisha Nofeembar ayaa lagu wadaa in dalka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada xilliga dhexe ee baarlamaanka.

Kuraasta aqallada koongareeska iyo Senete-ka waxaa si weyn ugu loollamaya siyaasiyiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga.

Qareen Cabdiwaaxid ayaa aaminsan in natiijada ka soo baxda doorashadaas ay saameyn toos ah ku leedahay tallaabo kasta oo uu madaxweyne Trump damacsanyahay, oo ay uu ka mid yahay qorshihiisan la xiriira xuquuqda dhalashada.

"Guud ahaan arrintan waxay ku xirantahay doorashooyinka xilliga dhexe. Haddii xisbiga Dimuqraaddiga ay ku guuleystaan, sida la filayo, waxaa aad iyo aad u wiiqmi doonta awoodda uu madaxweynaha u leeyahay inuu hindisahan fuliyo, laakiin haddii ay xisbigiisa Jamhuuriga ku guuleystaan doorashadaas, wax kasta ka filo".

1) Waa maxay 'Xuquuqda muwaadinnimada ku imaata dhalashada'?

Jumladda ugu horreysa ee isbaddalka 14-aad ee lagu sameeyay dastuurka Mareykanka, gaar ahaan qeybtiisa "xuquuqda muwaadinnimo ee dhalashada" ayaa waxaa ku qoran sidan:

"Qof walba oo ku dhasha ama lagu bacrimiyo gudaha Mareykanka, caddeyn sharci ahna heyst, waa muwaadin Mareykan ah oo ku xisaabsan meesha uu daganyahay".

Dadka ka soo horjeeda qaxootiga ayaa ku dooda in qodobkaasi uu dhiirri galin weyn siinayo uuna soo jiidanayo dadka soo galootiga ah, sidaas awgeedna ay haweenka aan Mareykanka u dhalanin ee uurka leh u bareerayaan sidii ay xadka uga soo tallaabi lahaayeen, ilmahoodana ugu dhali lahaayeen carrada Mareykanka.

Cilmi baaris dalka Mareykanka laga sameeyay sannadkii 2015-kii ayaa lagu ogaaday in shacabka dalkaas 60% ay ka soo horjeedaan in la baddalo xeerka xuquuqda muwaadinnimo siinaya dadka ku dhashay Mareykanka, halka 37% ka mid ah shacabkana ay taageeren in meesha laga saaro.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Digreeto madaxweyne ayaa xafiisyada federaalka ku amri karta in ay ceshadaan sharciga muwaadhinimada sababo kooban awgood

2) Sidee ayay ku timid?

Isbaddalka 14-aad ee lagu sameeyay dastuurka Mareykanka ayaa la dhaqan galiyay sannadkii 1868-kii, ka dib markii la soo afjaray dagaalkii sokeeye ee dalkaas.

Isbaddalkii 13-aad ee dastuurka ayaa sannadkii 1865-kii meesha looga saaray dhaqanka addoonsiga, halka isbaddalka 14-aad isna diiradda lagu saarayay sida ay jinsiyadda Mareykanka ku heli karaan carruurta ay gudaha dalka ku dhaleen dadkii addoomada ahaa ee la sii daayay.

Go'aanno horay uga soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa dhigayay in dadka Afrikaanka ah ee ku sugan Mareykanka aysan waligood noqon karin muwaadiniin Mareykan ah. Balse isbaddalka 14-aad ee dastuurka ayaa meesha ka saaray go'aannadaas.

Sannadkii 1898-kii ayay maxkamadda ugu sarreysa ee Mareykanka sii xoojisay in xuquuqda dhalashada ee muwaadinnimo ay yeelanayaan carruurta ay dhaleen dadka qaxootinnimada ku gala Mareykanka, waxaana kiis arrintaas la xiriira uu la magac baxay Wong Kim Ark v United States.

Waxa uu muranka arrintaas la xiriira dhex maray nin 24 jir ahaa oo ah u dhasheen dalka Shiinaha oo lagu magacaabi jiray Wong Kim Ark iyo dowladda Mareykanka.

Wong Kim ayaa ku guuleystay dooddiisa ku saabsaneyd in isagu uu ku dhashay gudaha Mareykanka wax saameyn ahna aysan muwaadinnimadiisa Mareykanka ku yeelaneyn qaxootinnimada waalidiintiisa.

3) Miyuu Trump soo afjari karaa Xuquuqda muwaadinnimada ku imaata dhalashada?

Inta badan khubarada dhanka sharciga waxay isku raacsanyihiin in madaxweyne Donald Trump uusan awood u lahayn inuu xuquuqda dhalashada ee muwaadinnimo kusoo afjaro amar madaxweyne.

"Wuxuu sameynayaa arrin jahwareerineysa dad fara badan, laakiin ugu dambeyn go'aanka waxaa iska leh maxkamadaha. Ma aha wax uu isagu iskiis u sameyn karo." Ayuu yiri Saikrishna Prakash, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha sharciga isla markaana culuumta sharciga ka dhiga jaamacadda Virginia.

Isbaddal lagu sameeyo dastuurka ayaa meesha looga saari karaa xuquuqda dhalashada ee muwaadinnimo, balse tallaabadaas ayaa u baahan iney u codeeyaan 3 meelood 2 meel oo ka mid ah labada aqal ee wakiillada.

4) Ma jirtaa wax siyaasad ah oo la ciyaarayo?

Go'aanka uu Donald Trump ku qaatay inuu mar kale isku dayo sidii looga takhalusi lahaa xuquuqda lagu helo ku dhalashada gudaha Mareykanka, oo uu hadda sheegayo inuu ku filanyahay qalinkiisa madaxweynenimo ayaa dabcan ku xirnaan doona natiijada ka soo baxda doorashada xilliga dhexe.

Iyadoo uu dhawaan aqalka cad ku dhawaaqay in xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico la geynayo 5,000 oo askari, si ay uga hor tagaan soo galootiga, ayuu go'aankan kale ee dhinaca xuquuqda dhalashada, mar kale soo jeedinayaa dareenka dadka reer Mareykan.

Mr Trump ayaa sannadkii 2016-ka si weyn u caddeeyay mowqifkiisa ka dhanka ah qaxootiga, xilli uu ku guda jiray ol'olaha doorashada guud ee madaxtinnimada.

Hadda, oo ay doorashada xilliga dhexe go'aamin doonto awoodda uu madaxwynaha yeelan doono labada sano ee uga dhiman xukunka, ayuu Trump u muuqdaa inuu mar kale billaabayo dood la xiriirta arrimaha soo galootiga.

Balse Mr Trump ayaa wareysigiisa ugu dambeeyay ku sheegay in ku dhawaaqista qorshihiisa xuquuqda dhalashada uusan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha doorashada xilliga dhexe.

5) Dalalka kale ma leeyihiin Xuquuqda muwaadinnimada ku imaata dhalashada?

Intii uu socday wareysiga uu Trump siiyay warbaahinta Axios, wuxuu si khaldan u sheegay in Mareykanku uu yahay waddanka kaliya ee qofka ku dhasha uu xaq u leeyahay jinsiyadda Mareyakanka.

Dhab ahaantii, 33 waddan oo ay ka mid yihiin Canada, Mexico, Malaysia iyo Lesotho ayaa looga dhaqmaa xeerka ku saabsan "xuquuqda uu qofka ku leeyahay carrada".

Ma jiro dal ka tirsan qaaradda Yurub oo arrintan laga hir galiyay, in kastoo waddanka Ingiriiska ay si toos ah jinsiyadda uga helaan carruurta ay waalidiintooda midkood yihiin muwaadiniinta ama ay heystaan daganaansho buuxda.

Sidoo kale, Mareykanka ma aha waddanka kaliya ee weerar looga qaaday xuquuqda ay muwaadinnimada u leeyihiin carruurta ku dhalata gudaha dalka.

Bishii Agoosto ayey ergada xeerka qaran ee ka soo jeedda xisbiga midig dhexe ee dalka Canada u codeeyeen in la soo af jaro xuquuqda muwaadinnimo ee dhalshada, marka laga reebo in waalidiinta carruurtaas ay yihiin muwaadiniin reer Canada ah ama heysta daganaansho buuxda.

Hogaamiyaha xisbiga ayaa goor dambe ku dhawaaqay in arrimaha qaar dib u eegis lagu sameyn doono, sida in haweeney ay iyadoo uur leh tagto waddankaas, iyadoo ujeeddadeeda kaliya ay tahay sidii ay cunugeeda ugu heli lahayd dhalasho.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dadka reer London oo ka jawaabaya sifooyinka lagu noqdo muwaadhin

6) Yaa isticmaala Xuquuqda muwaadinnimada ku imaata dhalashada?

Daraasad ay sameysay hay'adda Pew Research Center ayaa lagu sheegay iney jiraan carruur ay tiradooda gaareyso 275,000 oo ay sannadkii 2014-kii gudaha Mareykanka ku dhaleen dad qaxooti ah oo aan sharci lahayn.

Waxaa sidoo kale lagu qeexay in ay dalka Mareykanka ku noolyihiin 4.7 milyan oo carruur ah, kuwaasoo ay da'dooda ka hooseyso 18 sano, isla markaana ugu yaraan mid ka mid ah waalidiintooda uusan sharci ku lahayn Mareykanka.

Guud ahaan sannadihii 1990-meeyadii iyo 2000 ayay kor usii kaceysay tirada carruurta ay Mareykanka ku dhalaan dadka qaxootiga ah, walow ay hoos u dhacday wixii ka dambeeyay sannadkii 2006-dii.

Inkastoo daraasaddan aan lagu sheegin dalalka ay kasoo jeedaan dadka qaxootiga ah ee carruurta ku dhala Mareyaknaka, agaasimaha hay'adda caalamiga ah ee qaxootiga oo lagu magacaabo Mark Lopez ayaa sheegay in waalidiintaasi intooda badan ay ka soo jeedaan dalalka Latin America.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Khadijatul Rahman, 29, jir ah ayaa dhabta ku haysa ilmo yar oo ay dhashay 2 todobaad kadib markii ay noqotay muwaadhin Maraykan ah

Mowduucyada la xiriira