Isbitaalka Jigjiga ee adeegyadiisa ay ka mid tahay in la yaasiimiyo dadka sakaraadaya

Culumo quraanka xafidsan
Image caption Culumo quraanka xafidsan

Guud ahaan dadka muslimiinta ah waxay ka simanyihiin in suuradda Yaasiin lagu dul akhriyo qofka loo arko in waayihiisii dunida ay soo idlaadeen, oo uu geerida qarka u saaranyahay, balse isbitaal ku yaalla magaalada Jigjiga wuxuu shaqaaleysiiyay culumo yaasiimisa dadka bukaannada ah ee noloshooda laga deyriyo.

Isbitaalka Kaaraamarda oo magaalada Jigjiga ka shaqeynayay muddo ka badan 80 sano ayaa leh adeeg u gaar ah, oo ay dadka qaarkood u arkaan mid la yaab leh laakiin aad loogu baahanyahay.

Culumo quraanka xafidsan ayaa ka mid ah howl wadeennada isbitaalkan, shaqadooduna waa iney u duceeyaan, oo ay qur'aanka ku akhriyaan dadka bukaannada ah ee isbitaalkaas lagu dabiibo, kuwaasoo ay si joogto ahna u booqdaan.

Waxay sidoo kale suuradda Yaasiin ku dul akhriyaan qof kasta oo loo maleeyo iney geerida ku timid, iyagoo raacaya amarkii nabi Muxammad CSW oo muslimiinta ku boorriyay in qofkii ka dhimanaya ay yaasiimaan.

Wariyaha BBC-da ee magaalada Jigjiga Cabdinaasir Xikam oo isbitaalkaas booqday ayaa la kulmay mid ka mid ah culumadaasi oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Muxumad Cabdullaahi, oo muddo 14 sano ah halkaas ka shaqeynayay.

"Shaqadeennu waa inaan dadka islaamka ah ee halkan jooga u duceyno, oo aan quraanka ku akhrinno intii karaankeenna ah, Taxliilna waan u tufnaa. Qofki aan ku soo gaarno isagoo sakaraad ahna waxaan ku akhrinnaa yaasiinka, sida uu yiri rasuulkeenna CSW" ayuu yiri Sheekh Axmed.

Hase ahaatee howshoodu intaas oo kaliya kuma eka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Dadka bukaanka ah waxaan u dhisnaa qalbiga, waxaan ku boorrinaa iney salaadda ku dadaalaan, waxaana ku dhahnaa qaddarka Alle u sabra".

Dhanka kale, Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay iney mushaar kooban ka qaataan dowladda, laakiin ujeeddadooda ugu weyn ay tahay iney adeeggan u sameeyaan Alle dartiis.

"Diiwaanka dowladda waxaan ugu jirnaa shaqaale ahaan, laakiin niyaddeenna waa inaan dar Alle ugu adeegno bukaannada, innagoo quraanka iyo ducada la garab istaageyna" ayuu yiri.

Dad badan ayaa is weydiiya dareenka culumadaasi, maadaama subax walba ay u kallahaan isbitaalka iyagoo ku xisaabtamaya iney dul tagaan dadka bukaannada ah oo qaarkood ay hortooda nafta uga baxdo.

Sheekh Axmed oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yiri: "Markii hore aniga qudheydu aad baan u argagixi jiray marka aan qof sakaraad ah dul imaado, aad baan u ilmeyn jiray, laakiin waayadii dambe waxaad mooddaa inaan ku ilbaxnay oo aan si caadi ah ula qabsannay".

Shacabka magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiyaa ayaa kooxdan culumada ah u yaqaanna Yaasiimayaasha.

Hodan Cabdi Maxamuud waxay ka mid tahay ehalada dadka bukaannada ah ee ka faa'iideystay howsha culumada isbitaalka ka shaqeysa.

Gabadhan waxay isbitaalka kula jirtaa walaakeed oo xanuunsan.

"Isagoo aad u liita ayaan keenay laakiin hadda wuu ladanyahay. Sheekh Axmed ayaa mar walba na soo booqda, qur'aanka ayuuna ku akhriyaa wiilka xanuunsan, dadka kale ee xanuunsan dhammaantoodna wuu ka war hayaa. Qur'aanku waa diinteenna, wax dadka lagu akhriyana isagaa ugu fiican".

Dr Ciid Mukhtaar Jaamac, oo ah iskuduwaha arrimaha caafimaadka ee isbitaalka ayaa BBC-da uga warramay baahinda keentay in culumada laga shaqaaleysiiyo halkaas, wuxuuna yiri:

"Waxaa jirta 2 baahiyood. Midda 1-aad, maadaama aynu nahay dad muslimiin ah, waa in dadka la yaasiimo marka ay dhimanayaan. Baahida labaad ee kalliftayna waa in fursad la siiyo culumada aan heysanin meel uu dhaqaale ka soo galo. Iyagoo shacabka looga faa'iideynayo qur'aankooda ayaa laftoodana ay ka faa'iideysanayaan, oo aan mushaar ku siineynaa".

Mas'uulkan ayaa noo sheegay in dadka magaalada ay aad ula dhacsanyihiin adeeggan ayna ku faraxsanyihiin.

Mowduucyada la xiriira