Dagaalka Yemen: Mareykanka oo Sacuudiga ku cadaadinayo inuu heshiis xabbad joojin oggolaado
Qaramada midoobay oo ka digtay haddii dagaalka Yemen uu sii socda ay dalkaasi ka dhici doonto macluushi ugu xumeyd oo mudda 100 sana ah dunida soo marto
Mareykanka ayaa ku baaay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada Yemen ka socda, iyada oo ay dagaallada sokeeye oo seddex sano ka socday Yemen ay sababeen iney dalkaasi ka dhacaan macluushi bani aadaminimo ee ugu xumeeyd.
Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay dhinacyada isku hayo Yemen iney 30-ka maalmood ee soo socda gudhii ay ku billaabaan wada hadallo nabadeed oo dhibaatada Yemen ka taagan lagu soo afjaro.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ee dagaalka kula jira dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ugu baaqay iney joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka sameeynayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Xigashada Sawirka, Routers
Sacuudiga ayaa la dagaalamaya mucaaradka Xuutiga ee Yemen
Mareykanka ayaa wuxuu la kulmayaa cadaadis beesha caalamka uga imanaya oo ku saabsan iney joojiso taageerada ay siineyso xulafada uu Sacuudiga horkacayo oo dagaalka ka wado dalka Yemen.
Khubarada hay'dda qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa waxay sheegeen xulafada Sacuudigu uu hoggaamiyo iney Yemen ka geysteen dambiyo dagaal, hay'adaha bani aadaminimada ka shaqeeyana waxay sheegeen xulafada dagaalka ay ka wadaan Yemen iney sababtay 14 milyan oo qof oo Yemeni ah iney macluul la ildarnaadaan.
Xigashada Sawirka, AFP
In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen
Dagaalka Yemen ka socda maxaa sababay?
Dalka Yemen ayaa waxaa halakeeyey dagaal sokeeya laga soo billaabo 2015-ka, iyada oo ay Xuutiyiinta sheeganayaan iney gacanta ku hayaan galbeedka Yemen madxweynaha waddanka Abdrabbuh Mansour Haadi ay ku qasbeen inuu waddanka ka cararo.
Waddama ay ka mid yihiin Iiraan, Imaaraadka carabta, Sacuudi Carabiya iyo toddoba waddan oo carab ah ayaa soo farageliyey xiisadda Yemen ka taagan si ay u badbaadiyaan dowladda Yemen ka dhisneyd. Iyaga oo taagero dhinaca sirdoonka iyo tasjiilaadka ka helaya Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Duqeymaha diyaaradaha waxay sababeen burbur iyo dhaawac badan oo dadka rayadka ah soo gaaray
Qaramada midoobay ayaa waxay sheegtay dagaallada in lagu dilay ugu yaraan 6,600 oo qof oo rayad ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 10,560. Iyada oo kumannaan kalana ay u dhinteen macluul, gaajo iyo cudurro ka dhashay adeegga caafimaadka ee dalka Yemen oo aad u liita amaba gebi ahaanba jirin.
Goobihii caafimaadka ayaa intooda badan ku burburay duqaymaha
Madaxda Mareykanka maxay ka yirahdeen?
Mr Mattis oo ka hadlayey machadka Nabadda oo ku yaallo Washington talaadadi ayaa wuxuu sheegay Mareykanka inuu "mudda dheer uu ka warsugayey xaaladda Yemen".
"Marka waa inaan ka shaqeeynaa sidii dadaal nabadeed loo meel marin lahaa, mana dhaheyno mustaqbalka ayaa wax qabaneynaa. Waxaan dooneynaa inaan 30-ka maalmood ee soo socda gudahood aan howshaasi ku qabanno."
Maamulaha wuxuu ka walbahaarsan yahay wiilkiisa laga dilay
Mr Pompeo wuxuu xuutiyiinta uu ugu baaqay iney joojiyaan duqeynta ay ku sameeynayaan Saldhigyada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Xulafaduna ay joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ee ay ka sameeynayaan deegaannada ay dadku ku badan yihiin.
Wuxuuna intaa ku daray "in la joogo xilligii colaadda Yemen la soo afjari lahaa, laguna beddeli lahaa wadahadallo si ay shacabka Yemen ay u helaan Nabad dalkoodana ay dib ugu soo dhistaan".
Jawaab noocee laga bixiyey baaqa Mareykanka?
Ilaa iyo hadda ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo, Xuutiyiinta ama Dowladda Yemen.
Mr Grifths wuxuu sheegay qaramada midoobay baaqa xabbad joojinta iney soo dhaweyneyso maadaamaa uu dagaalku xal noqon karin.
Wuxuuna intaa ku daray "qaramada midoobay iney ka go'an tahay iney ka shaqeyso sidi bil gudaheed dhinacyada Yemen isku hayo miiska nabadda la isugu keeni lahaa".
Orla Guerin oo la kulantay carruurta Yemen ee xanuunnada la ildaran
Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt wuxuu Tweeterkiisa ku soo qoray "dhammaan dhinacyada isku haya Yemen baaqa uu Mareykanka u soo jeediyey ee muhiimka ah iney u hoggaansamaan Ingiriiskana uu soo dhaweynayo colaadda Yemen in nabad lagu soo afjaro."
Afar meelood oo seddex dadku waxay si uun ugu tiirsan yihiin kaalmo bani aadminimo
Haweeney u hadasha hay'adda IRC ayaa waxay sheegtay "howlaha gargaarka bani aadaminimada ee Yemen si shacabka loo gaarsiiyo iney lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda."