Soomaalida ku nool  Naivasha oo ka cabanaysa in laga boobayo dhul ballaaran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida ku nool Naivasha oo ka cabanaysa in laga boobayo dhul ballaaran oo ay halkaas ku leeyihiin

Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Naivasha ee dalka Kenya ayaa waxa ay ka cabanayaan in lagu haysto oo qeyb badan oo ka mid ah la boobay dhul ballaaran oo uu ku wareejiyay gumeystihii Britain inta aanay Kenya ka qaadan xorriyadda.

Bulshadaasi ayaa laga faramarooqsaday inta badan dhulkaasi oo waxaa degay dadka deegaanka kuwaasi oo inta u soo hartay ku haystaba.

Waxa ay arrintu ku sii cuslaatay markii ay maqleen in dowladda Kenya ay qorshaynayso in dhulkooda ay guryo uga dhisi doonto dadka uu soo galo dakhliga yar, markaas oo ay dibadbaxyo magaalada ka sameeyeen.

Haddaba Bashkas Jugsodhacay ayaa booqday dhulkaasi oo waxa uu la kulmay madaxda Soomaalida ee halkaas kaddibna warbixintan ayuu ka diyaariyay.